Maandooriye qiimihiisu yahay $330m ayaa laga dhex helay shixnadda muuska

0
340

Booliska Ecuador ayaa helay ku dhowaad ​​8.8 tan oo ah maandooriyaha nooca loo yaqaano kookayn(cocaine)  oo lagu soo dhex qariyey shixnad muus ah oo ku sii jeeday dalka Belgium.

Taliyaha booliska Fausto Salinas ayaa sheegay in daroogooyinkaasi ay ku kici lahaayeen lacag lagu qiyaasay $330m (£275m) haddii ay gaadhi lahaayeen halkii ay u socdeen.

Ecuador ayaa noqotay mid ka mid ah wadamada ugu muhiimsan ee laga soo tahriibiyo kookeynta laga soo saaro wadamada la deriska ah ee Peru iyo Colombia.

Sannadkii hore, in ka badan 200 oo tan oo daroogada ah ayaa laga qabtay waddamada koonfurta America, inteeda badanna waxa laga soo dhoofiyey dekedda Guayaquil oo ku taal magaalada labaad ee ugu weyn Ecuador.

Sidoo kale Ecuador waa dalka ugu weyn ee dhoofinta muuska, tahriibiyayaashu waxay inta badan isku dayaan in ay shixnadaha sharci darrada ah ay ku soo qariyaan khudaarta laga soo raro dekeda Guayaquil ee loo dhoofiyo adduunka qaybihiisa.

Markabkan hadda lagu qabtay Daroogada ayaa siday Muus waxaana laga dhex helay weel ama Kontaynar uu ka buuxaan muus oo loo waday Belgium.

Qabashada Maandooriyahan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay booqasho dhowaan ku tageen dalalka Ecuador iyo Colombia wasiirka arrimaha gudaha Belgium, Annelies Verlinden iyo guddoomiyaha arrimaha gudaha ee Yurub Ylva Johansson.

Labada mas’uul ayaa doonaya inay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin labada waddan ee Koonfurta Ameerika ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada.

Dalka Belgium ayaa noqday dalka ugu badan ee lagu qabto Maandooriyaha lagu wado wadamada Midowga Yurub sanadihii ugu dambeeyay, siiba maandooriyaha Cocaine-ka ah, iyada oo dekedda Antwerp ay noqotay meesha ugu badan ee laga soo galiyo daroogadan sharci darrada ah.

Agaasimaha xarunta la socodka maandooriyaha iyo qabatinka maandooriyaha ee Yurub Alexis Gosdeel, ayaa horaantii bishan sheegay in “qulqulka sii kordhaya ee kookeynta uu hadda khatar ku yahay Midowga Yurub oo dhan”.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in suuqa kookeynta ee EU-da ee sii ballaadhanaya uu keenayo kor u kaca rabshadaha iyo musuqmaasuqa ee xarumaha dadweynaha iyo maamulka,” ayuu ka digay.

Dalka Ecuador, oo xidhiidh la leh tahriibinta maandooriyaha ayaa hawlahani cirka isku sii shareereen iyada oo kooxaha awoodda badan ee Mexico ay galaan-gal ka heleen burcadda maxalliga ah ee Ecuador si ay uga shaqeeyaan ganacsiga faa’iidada badan leh Daroogada.

Xabsiyada ayaa buux dhaafay, waxaana dagaalada u dhaxeeya kooxo burcad ah oo iska soo horjeeda ay ku dhinteen dad badani.

 

Leave a Reply