Maraykanka oo Pakistan ku celiyey walaalo in ku dhow 20 sano ku xidhnaa Guantanamo Bay

0
197

Maraykanka ayaa laba walaalo ah dib ugu celiyay dalkooda Pakistan kadib markii ay ku dhawaad ​​labaatan sano ku xidhnaayeen iyaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin xabsiga militariga ee Guantanamo Bay ee muranka dhaliyay.

Abdul Rabbani, 55, iyo Mohammed Rabbani, 53, ayay mas’uuliyiinta Pakistan ku xidheen magaaladooda Karachi 2002-dii ka hor inta aan si degdeg ah loogu gudbin xabsiga Maraykanka oo lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen guryo ammaan ah oo al-Qaacida ah.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in walaalaha oo aan waligood dambi lagu soo oogin, dib loogu celinayo Pakistan, iyada oo sheegtay in xadhiggoodu “aan hadda loo baahnayn si looga ilaaliyo khatarta joogtada ah ee amniga Maraykanka.”

Waxay wasaaradu sheegtay in Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin uu bishii hore ogaysiiyay Congress-ka inuu doonayo inuu labada nin dib ugu celiyo Pakistan, isaga oo xusay in Maraykanku uu dhamaystiray shuruudaha wareejinta isaga oo la tashanaya Pakistan.

Walaalaha Rabbani waxay ahaayeen maxaabiistii ugu dambeysay ee ka tagtay Guantanamo Bay taas oo qayb ka ah dadaallada madaxweyne Joe Biden ee lagu xidhayo xabsiga muranka dhaliyay.

“Maraykanku waxa uu qadarinayaa rabitaanka dawladda Pakistan iyo saaxiibada kale ee ay ku taageerayaan dadaallada Maraykanka ee socda ee diiradda lagu saarayo in si xilkasnimo leh loo dhimo dadka maxaabiista ah iyo ugu dambayntii la xidho xarunta Guantanamo Bay,” Pentagon-ka ayaa sidaas yidhi Khamiista.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa lagu xaqiijiyay dib u celinta labada walaalaha ah ee Pakistan Jimcihii, iyada oo sheegtay in ay “isku dubariday hannaan ballaadhan oo hay’addo ah” si loo fududeeyo wareejinta.

“Waan ku faraxsanahay in muwaadiniintan Pakistani ah ay ugu dambeyntii dib ula midoobeen qoysaskooda,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Maxbuus kale oo Pakistani ah oo lagu magacaabo Majid Khan, kaas oo qirtay doorkiisii ​​qaade Al-Qaacida, ayaa laga soo wareejiyay Guantanamo waxaana la dejiyay Belize horaantii bishan ka dib markii uu dhameystay xukunkiisa.

Khan, oo 42 jir ah, ayaa lagu hayay xabsiga muddo 15 sano ah. Waxaa lagu xukumay 2021 ilaa 10 sano, iyada oo lagu ammaanay sannadihii uu la shaqaynayey su’aalo waydiinayey Maraykanka.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Maraykanka ayaa xabsiga Guantanamo ka sii daayay maxbuuskii ugu da’da weynaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Saifullah Paracha oo u dhashay Pakistan, waxaana loo gudbiyay dalkiisa.

Paracha, oo 75 jir ah, ayaa lagu hayay xabsiga tan iyo 2003dii isagoo looga shakiyay inuu ku xidhan yahay al-Qaacida, laakiin waligiis laguma soo oogin dambi.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W.Bush maamulkiisii ayaa saldhigan ka sameeyay saldhiga ciidamada badda ee Kuuba si loogu hayo laguna su’aalo, dad looga shakisan yahay argagixisanimo ayaa la qab-qabtay kadib Sebtembar 11, 2001 weeraradii ka dhacay gudaha Maraykanka oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​3,000 oo qof.

Markii ugu sarreysay, xarunta lagu hayo ee Guantanamo ayaa la sheegay in ay ku jireen illaa 600 oo maxbuus oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen argagixisanimo ka dhan ah Maraykanka.

Pentagon-ka ayaa Khamiistii xustay in 32 maxbuus ay ku harsan yihiin xabsiga Guantanamo Bay, 18 ka mid ah waxay xaq u leeyihiin in lagu wareejiyo, sagaal eedaysane oo ku jira maxkamadaha ay ciidamadu maamulaan, iyo laba kale oo la xukumay.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa muddo dheer dhaleeceeyay xabsigan milateriga, waxayna dalbanayeen in maxaabiista la siidaayo , iyaga oo soo xiganaya tacaddiyada, jidh-dilka iyo xadhigga muddada dheer ee maxaabiista, oo intooda badan aan wax dambi ah lagu soo oogin ama maxkamadeyn.

Leave a Reply