Beeraha Bunka ee Dumarka iyo Shirkadaha haweenka ee Ghana

0
317

Laga soo bilaabo daraasiin beero ah oo ku dhex yaal buuraha gobolka Volta ee Ghana ilaa maqaaxiyaha Kafeega iyo Hiteelada caasimadda, Ghana ee Accra, haweenka ayaa ka shaqeeya beerida iyo suuqgeynta kafeega. Waxay ku bilaabeen saldhigyo yar-yar, laakiin hadda way sii kordhayaan.

Ghana waa dalka labaad ee ugu soo saarka badan kookaha adduunka marka laga reebo dalka ay jaarka yihiin ee Ivory Coast, balse xagga Bunka ama Kafeega waxa uu ka mid yahay kuwa ugu yar Afrika marka loo eego wax soo saarka. Inta badan beeralayda yar yar ayaa ka maqan helitaanka agabka loo baahan yahay si ay u suuq geeyaan digirtooda.

Benedicta Tamakloe, oo hore u ahayd macalimad sayniska kombuyuutarka isla markaana ah aasaasaha Roaster Bean Masters ee fadhigeedu yahay Accra, waxay go’aansatay inay caawiso iyada oo la shaqaynaysa haweenka beeralayda ah ee ku dhibtoonaya qaybta ay u badan yihiin raggu.

“Markii hore, waxaan rabay in aan caawiyo haweenkan tuuladayda ku nool si ay u helaan suuq,” sidaa waxa tidhiTamakloe oo la hadlaysay Reuters, iyada oo ka hadlaysa markii bilowday Bean Masters, oo ka mid ah shirkadaha kafeega ee haweenku ku leeyihiin Ghana, 2018.

“Markaa saaxiib ayaa igu yidhi: waa inaad ciyaarta ku jirtaa si aad u ogaato waxa socda,” ayay tidhi.

“Waxaan rabnaa inaan hubinno inaan helno digirta ugu wanaagsan ee suurtogalka ah,” Tamakloe ayaa u sheegtay Isha Pagniw, oo ah mulkiilaha beer ku dhow dusha sare ee buur kayn ah oo ku taal xuduudka bari ee Ghana iyo Togo halkaas oo koox dumar ah ay ka guranayeen midho Bun cas oo dhalaalaya ah.

Markay dumarku shaqaynayeen, Tamakloe waxay ku dhex socotay qalab ay ku tijaabiso qoyaanka digirta bunka.

 

Kooxda ayaa soo saartay ku dhowaad ​​10 tan oo Bun ah sannadkii hore, taas oo inteeda badan Tamakloe lafteedu ay ku dubtay warshad shukulaato ah oo ku taal Accra. Qayb ka mid ah dakhliga soo gala ayaa lagu maalgeliyaa mashaariicda horumarinta ee tuulooyinka ay haweenku beeraan.

Maanta, kafeega Bean Masters waxaa inta badan lagu iibiyaa makhaayado heersare ah iyo hudheelo. Laakiin Tamakloe waxay rabta in ay ballaadhiso wax soo saarkeeda lagu qaado bacaha tafaariiqda sanadkan si ay Bean Masters uga dhigto mid ay helaan dhammaan noocyada macaamiisha.

Kozo, makhaayadda isku-dhafka Afro-Asian ee Accra, Tamakloe iyo shaqaaluhu waxay ka cabeen koob shaah ah oo loo yaqaan espressos lagu sameeyay Binka ama kafeega Bean Masters. Mulkiilaha ayaa booqday beerta Pagniw ee Tamakloe sanadka 2021, wuxuuna si gaar ah ugu xidhnaa Bean Masters ilaa iyo markaas.

Leave a Reply