Qatar Charity oo Lacag ku Caawisay Horumarinta Cusbitaaladda JSL

0
211

London (Dawan): Haayadda Qatar charity ayaa lacag dhan 1 Miyan iyo badh oo Pound ugu deeqday cusbitaaladda kala duwan ee ku kala yaalla goboladda iyo degmooyinka dalka jamhuuriyadda Soomaliland

Kulan balaadhan oo lagaga yaboobahay lacagtaasi oo lagu qabtay magaaladda London ee dalka Britain, ayaanay masuuliyiinta haayadda Qadar Charity ku shaaciyeen in ay ku caawinayaan lacagtaasi horumarinta cusbitaaladda Somaliland.

Lacagtaasi ayaa labadda sanadood ee soo socda lagaga shaqayn doonaa horumarinta, iyo kor u qaadista kaabeyaasha caafimaadka ee Somaliland. Waxaana kulankaasi lagu qabtay xarunta King College London ee dalka boqortooyadda Somaliland.

Waxaana munaasibadaasi goob joog ka ahaa safiirka dawladda Qadar u fadhiya dalka Britain, Fahad Binnu Muxamed Al Ityaah. Maxamed NaasirAl Taani, madaxa ugu sareeya ee haayadda tabarucaadka Qadar.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno sar sare oo ka socday safaarrada ay dawladda Qadar ku leedahay magaaladda Lodon ee dalka UK. Sidoo kale waxaa xafladda joogay safiirka jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Ingiriiska damjire Cabdi C/laahi, iyo madaxda ugu saraysa Kings College London, oo ah haayadda soo qaban-qaabisay munaasibadaasi. Taasoo kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhinaca arrimaha caafimaadka ee Somaliland.

Waxaana munaasibadaasi soo agaasintay xafladda Kings College London, oo kaashanaysa haayadda caawimooyinka u qaabilsan dalka Qadar ee loo yaqaanno Qadar Charity, ayaa lagaga yaboohay lacag gaadhaysa 1 Milyan, iyo 500,000 kun oo dollar, taasoo labadda sanadood ee soo socda lagu kabi doono horumarinta kaabeyaasha dhinaca caafimaadka ee Somaliland

“Waxaanu ku faraxsan nahay in sanduuqa Qadar Charity, uu ka qayb qaatay taakulaynta caafimaadka ee Somaliland. Taasoo noqonaysa in aanu haatan helnay fursad aad u balaadhan, in aanu haatan helnay, in saaxiibadda caalamku ay ka qayb qaadanayaan taakulaynta, iyo horumarinta, kaabeyaasha caafimaadka ee Somaliland” sidaasi waxaa yidhi masuul u hadlayay haayadda Qadar Charity.

Ms. Laura Haks, oo ka mida masuuliyiinta ugu sareeya ee Kings College London, oo halkaa ka hadashay waxay tidhi, “Xarunta Kings College London, waxay muddo 20 sanadood ah xidhiidh wada shaqayneed ay la lahayd wasaaradda caafimaadka Somaliland. Maanta na waxaanu kala saxeexanay heshiis cusub

 

Tanina waxay noo tahay fursad aad u balaadhan, in Qadar Charity uu ka qayb qaataytaakulanta kaabaeyaasha dhinaca caafimaadka ee Somaliland”.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay in aanu helnay haayado caalamiya, oo naga caawiya sidii aanu kor ugu qaadi lahayn kaabeyaasha caafimaadka ee Somaliland” ayay tidhi Ms. Hanna Brows, oo ah madaxa u qaabilsan isku xidhka Somaliland, iyo Kings College London, ee dalka boqortooyadda dalka Ingiriiska.

Safiirka dalka Qadar u jooga dalka UK danjire, Fahad Binnu Muxamed, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay caawimadan uu siiyay Somaliland. Waxaanu sheegay in ay ka go’an tahay dalka Qadar, in ay taakulayn dhinaca dhaqaalaha ah ay ka gaystaan Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in aanu Kings College, iska kaashano, ama ka wada shaqayno horumarinta kaabeyaasha caafimaadka ee walaalahayaga reer Somaliland. Waxaan rejaynayaa in iskaashigani uu kor u qaadi doono horumarinta helitaanka addeegyadda caafimaadka ee Somaliland. Iskaashigani na wuu sii jiri doonaa ilaa iyo inta aanu ka gaadhayno hiigsiga, iyo riyooyinkayaga ah in muwaadiniinta reer Somaliland ay helaan addeegyo caafimaad oo wanaagsan”.

Geesta kale danjiraha Somaliland u jooga dalka boqortooyadda Ingiriiska Cabdi C/laahi, ayaa isna ka dareen celiyay ayaa sheegay in Kings College ay ka shaqayso caawinta cusbitaaladda Hargaysa, iyo Boorama.

“Waxaa halkan ka dhacay kulan ay soo qaban qaabisay Kings College London, ee dalkan UK. Kings College oo ka shaqeeya caawinta cusbitaalka guud ee Hargaysa, iyo cusbitaalka guud ee Boorama. Sidoo kalena ay xidhiidh wada shaqayneed leeyihiin jaamacadaha Hargeisa University, Camuud University, Edna Aadan University, ayaa barnaamij ay doonayaan in ay ka hir geliyaan lixda gobol ee waaweyn ee dalka Somaliland.

Barnaamijkaasi oo ku saabsan horumarinta, iyo kor u qaadista addeegyadda caafimaadka ee lixda gobol, ayaa halkan waxay ku kala saxeexanayeen Qadr Charity, mashruuc ay maal-gelinayso haayadda samo-falka u qaabilsan dalka Qadar, taasi ayaan anigu na goob joog ka ahaa, anigoo metelaya dalkayga Somaliland” ayuu yidhi danjire, Cabdi C/laahi.

Leave a Reply