“Waa in loo Midoobo Shacab iyo Dowlad ba Arrimaha ka Taagan Laascaanood” Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir

0
162

Hargeysa (Dawan)- Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu guud ahaan bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in loo midoobo xasilinta arrimaha ka taagan gobolka Sool.

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sheegay in xaaladda Laascaanood aanay maantay maraynin tabasho shacab, balse ay u isu bedeshay duulaan cadawga dibadu ku soo qaaday Somaliland, isla markaana si badheedha ah loogu soo duulay qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ““Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland xaaladda dalku marayo iyo arrimaha Laascaanood. Markii hore waxay ku bilaabantay shaqaaqo dhexdeena ah oo ka bilaabantay degmada Laascaanood oo aynu u baahnayn in aynu nabad ku dhammayno. Maanta halkii marimayso ee ay ka gudubtay, maanta waxaa muuqata duulaan lagu soo qaaday dalka oo lagu bartilmaameedsanayo qarannimadiisa.”

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Maanta xuduudka Laascaanood waxaa ka soo gudbaya boqolol iyo boqolaal ciidan ah oo hubaysan oo tikniko wata oo ku socanayo efentari iyo lug oo ku socda gaadiidka dadweynaha magac kasta oo ay sitaan ba.”

“Waxaynu u baahanahay wixii qadiyadeedana iyo gudaheena ah ee ku saabsan Laascaanood in aynu sida xukuumaddu u waddo iyo si ka wanaagsan oo taxadar leh aynu ku dhammayno, isla markaana waxaynu u baahanahay in ay ka difaacno cidda dalkeena ku soo duushay oo aad shalay arkayseen ciidamada boqolaalka ah ee ka soo gudubtay xadka ee dawlad goboleedka Puntland ama dhinaca Soomaaliya ka soo gudbay. Maanta waxa aynu u baahanahay in aynu dejino xaalada Laascaanood. Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa in arrimahaasi laga taxadaro.” Ayuu yidhi Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir waxaanu intaasi ku daray “Waxaan mar labaad ku celinayaa in guud ahaan shacabka Somaliland ay u diyaar-garoobaan difaaca dalka oo ay u diyaar garoobaan cadawgaa dalka dibada kaga suu duulay, kuwaas oo aan u socon in ay u hiiliyaan reer Laascaanood ee u socda in ay la wareegaan Laascaanood iyo arrimaha u gaar ah, sidoo kale kuwa ka imanaya maamul goboleedka Puntland na waxay u socdaan in ay Laascaanood hoos geeyaan maamulka Garoowe.”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply