Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland oo Deedafaysay Warar Laga Faafiyey Ciidanka Qaranka

0
262

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada ayaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka qaranku marna bar-tilmaameedsan kaabayaasha bulshada, sida cusbitaalada iyo dugsiyada, ee hore bulshada ugu dhistay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga shalay ayaa lagu shaaciyey inay shacabka Somaliland iyo beesha caalamka u caddeynayaan in aanay ciidanka qaranku marna bar-tilmaameedsan xarumaha bulshada. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa deedafeysay warar lagu faafiyey baraha bulshada, isla markaana ku tilmaameen kuwo sumcada ciidamada qaranka lagu dhaawacayo, waxaanu u dhignaa sidan;

“Waxaanu shacabka Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaynaynaa in aanay Ciidanka Qaranku marna bar-tilmaameedsanayn xarumaha bulshada sida cusbitaallada iyo dugsiyada. Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada.

 

Leave a Reply