Beesha Caalamka oo mar kale taageertay mowqifkii Xukuumada ee Xabad-joojinta iyo Wadahadal khilaafka lagu dhameeyo

0
276

Washington (Dawan)- Beesha Caalamka ayaa mar kale soo dhoweysay isla markaana taageertay mowqifkii xabad-joojinta iyo in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Laascaanood ee ay xukuumada Somaliland hore ugu dhawaaqday.

Baaq wadajir ah oo dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Turkey, Imaraadka Carabta iyo Qatar soo saareen 28 February 2023, ayaan walaac ka muujiyey xaalada colaadeed ee Laascaanood, isla markaana mar kale taageeray xabad joojintii xukuumada iyo in  dhinacyadu wada hadal wax ku ool ah oo nabadeed yeeshaan.

War saxaafadeed shanta wadan ee qeybtii xaalada Laascaanod ayaa u dhinaa sidan; “Wada-hawlgalayaashu waxay 28 February 2023 walaac ka muujiyeen colaadda ka socota Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabbad-joojinta, oo ay dejiyaan xiisada, oggolaadaan gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, oo ay galaan wadahadal wax ku ool ah oo nabadeed.

Inkastoo dhawaaqa beesha caalamku uu si buuxda mar kale u taageeray mowqifka xukuumada Somaliland hore ugu shaacisay in loo maro xalinta khilaafka Laascaanood, inakstoo laga doonayo in beesha caalamku caddeyso dhinaca diidan xabad-joojinta iyo wadahadal khilaafka loo maro, isla markaana talaabooyin cadaadis  lagu saarayo degdeg u dhaqangeliyaan.

 

Leave a Reply