Kooxda la Talinta Istaraatiijiyada oo Dowladda Mareykanka Ka Dalbatay Inay Ka Jawaabto Weerarka Somaliland

0
366

Washington (Dawan)- Afar Urur oo danaha Jamhuuriyadda Somaliland u ololeeya ayaa shaaca ka qaaday in la joogo wakhtigii Somaliland xor u ahaan lahayd noqoshada dal dimuqraadiyadiisu kobcayso, kana dalbaday xukuumada dalka Maraykanka inay jawaab ka bixiso weerarka kooxaha kala duwan ku soo qaadeen nabada iyo xasiloonida dalka.

Warsaxaafadeed Afarta Urur ee  Kooxda la-talinta Istaraatiijiyada Somaliland, Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, Rugta Ganacsiga Somaliland ee Maraykanka & Kooxda Walaalaha Somaliland ee Maraykanka shalay soo saareen, oo walaac ay kaga muujiyeen weerarada abaabulan ee Laascaanood ayaa dhinaca kale amaanay talaabooyinka Ciidanka Qaranku isaga caabiyey.

Qoraal dheer oo ururadu sharaxaaf kaga bixinayeen weerarada lagu soo qaaday Somaliland ayey ku sheegeen in kooxo abaabulan oo ka kooban maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda gobolka Sool, balse ay taageero hubaysan iyo dawladda Soomaaliya ka qayb qaadanayso, iyo kooxo xidhiidh la leh argagxisada ka dambeeyaan.

Waxay si weyn u dhaleeceeyeen, Dawladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay si la yaab leh u taageertay, una barbar-socoto, xoogagga argagixisada caanka ah ee Al-Shabaab, oo gabaad ka soo dhigtay Somaliland, ka dib markii ay weerarrada Drones-ka Maraykanku si ba’an u weerareen saldhigyada ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Inkastoo si ka duwan Soomaaliya lafteeda, Somaliland ay muddo dheer si firfircoon iskaga caabinaysay.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo si weyn u kormeera nabadgelyada masaafo ka badan 1,000 Km ee Xeebteeda waxa kale oo ay ka hortageen wax kasta oo badda ku soo dhex dhuunta.

Ururadan ayaa qoraalkooda ku sheegay in sababo badan keeneen in kooxaha argagxisada Al shabaab iyo xulafadoodu ay fursad taageero ka helaan dowladda Soomaaliya si ay gudaha ugu soo galaan magaalada Laascaanood.

Waxa ka sii muhiimsan qorshaha foosha xun ee dalka Shiinuhu ugu taageerayo  kooxaha sare sababo la xidhiidha inay khalkhalgeliso amniga Somaliland oo ay dhaawacdo xidhiidhkii sii balaadhanaya ee ay la leedahay Maraykanka. Shiinuhu waxa uu muddo dheer isku dayey in uu saamayntiisa ku fidiyo Afrika oo dhan isaga oo adeegsanaya hindisihiisa Belt and Road waxana uu hadda helay habab uu saamayn ugu yeesho Soomaaliya.

Qorshayaasha dalka Shiinuhu ayey ururadan ku tilmaameen inay qeyb ka tahay   carqaladeynta qorshaha uu Maraykanku ku doonayo in uu ku balaadhiyo saldhiga yar ee aynu ka samaysanayno Dekadda Berbera, kaas oo noqon doona mid ka sii xoog badan oo loolan adag kula jiro Dekedda Jabuuti ee Shiinuhu leeyahay oo ay maamusho. Sidoo kalena Shiinuhu doonayaan inay carqaladeeyaan sahaminta shirkadaha Taiwan ee saliidda muhiimka ah ka bilaabayaan Somaliland.

Warsaxaafadeedka afarta urur ayaa su’aal lagu geliyey sababta ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dawladda Maraykanku u sii waddo abaal-marinteeda dawlad musuq-maasuqa soomaaliya, uguna fashilantay  taageerida deriskeeda dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu soo gebagebeeyey in la joogo wakhtigii Baarlamaanka Maraykanku aqbali lahaa waaqica muuqda, isla markaana Somaliland xor u ahaan lahayd inay noqoto dal dimuqraadiyadiisu kobcayso ee ugu firfircoon Afrika!

 

 

Leave a Reply