Ciidanka Qaranka JSL oo Sharraxay Guulaha ay ka Gaadheen dagaaladii Ugu dambeeyay ee Laascaanood

0
449

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Cabdi Cabdillahi Xasan (Cabdi-dheere) ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku guul ka gaadhay ciidanka kooxahii huwanta Puntland, Al shabaab iyo maleeshiyaadka la majaro-habaabiyey ee soo weeraray shalay lagana furtay hub kala duwan.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal shalay ciidammada Puntland, kooxaha argagxisada iyo maleeshiyo-beeleedka la majaro-habaabiyey, ku soo qaadeen ciidammada qaranka oo gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan iyo maxaabiis badan lagaga qabsaday.

“Maanta oo taariikhdu tahay 1 March, waxaan ku sugan nahay taliska aaga Barri ee Goojacade, waxaan faahfaahin uga bixinayaa dagaal shalay 28 February 2023 dhacay, oo isaga hor yimaadeen Ciidanka Qaranka iyo qoladii hore aynu u dagaalanay ee isugu jirtay Puntland, Al Shabaab iyo maleeshiyaad ay marin-habaabiyeen oo bulshada Reer Laascaanood ka mid ah,”ayuu yidhi Afhayeenku

Afhayeenka Sareeye  Cabdi- Dheere ayaa sheegay inuu dagaal adag oo saacado badan socday dhex maray labada dhinac, waxaanu yidhi; “Ciidanka Qaranku guul ayuu ka gaadhay dagaalkii, laba gaadiid tikniko ah ayuu ka qabsaday, gaadhi qori Siikaawe saaran yahay, iyo Gaadhi qori Dhishiike ah ayaanu  qabsanay. Sidoo kale qoryo yaryar oo BKM ka mid yahay waa laga furtay, ciidanka qaranku wuu jebiyey ciidankii soo weeraray.”

“Ciidanka Qaranku marna weerar muu qaadin, difaac ayuu ku jiraa, ciddii soo weerartana jawaab adag ayuu siinayaa,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sheegay in 27 February 2023 sidoo kale ciidamada huwantu weerar ku soo qaadeen ciidanka Qaranka, laakiin si weyn ayaa looga adkaaday, hubkoodiina waa laga furtay inta ay ka carareen, isagoo yidhi,

“Waxaan filayaa in kooxahan jabka maalin walba soo gaadhayaa ay waayo aragnimo iyo cashar u noqon doonto,” yidhi Afhayeenka Ciidanka Qaranku.

Mar uu la hadlayey bulshada reer Somaliland ee jecel ciidankooda, isla markaana hiilka la garab taagan marwalba ayuu u sheegay inay ku kalsoonaadaan, isagoo yidhi,

“Bulshada reer Somaliland ee ciidankooda jecel, marwalba-na hiilka la garab taagan waxaan u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan Ciidanka Qaranka, isla markaana yihiin kuwo cadowgooda ka adag, kuna fillan difaaca qaranimada dadka iyo dalka Somaliland.”

Waxa kaloo uu baaq u diray shacabka reer Laascaanood, waxaanu yidhi“Bulshada reer Laascaanood waxaan u sheegayaa Ciidanka Qaranka hore nabad ayaad ugu wada noolaydeen, waa la idin marin-habaabiyey, wadadii nabadana waa la idiinka leexiyey, waxaan leeyahay Ciidanka Qaranku cid kastoo soo weerarta si fiican ayuu isaga difaacayaa, bulshadana gacan nabadeed ayaan idiinku baaqayaa.”

 

Leave a Reply