Astaamaha lagu Garto Cudurka Faaliga Ama Dhan-Qalalka

0
432

Xubinta saddexaad ee barnaamijka caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona astaamaha xannuunka Faaliga ama Dhan-qalal (stroke), waa xaalad caafimaad oo miisaankeeda leh, waa xaalad inta badan u janjeedha dhanka halista waxayna timaadaa markii xidid kamid ah kuwa maskaxda dhiigga u qaada uu xidhmo taasoo keenta in maskaxdu waydo ogsijiin iyo nafaqo ama cadad kayar inta ay caadi ahaan ugu baahan tahay.

Waxaa kale oo ay imaan kartaa xaaladani markii xidid kamid ah kuwa maskaxda uu darbigiisu khafiifo taaso uu ku yimaado dilaac ama qarax ugu danbeyna dhiigbax ku keena maskaxda.

Inta badan xanuunkan waa mid ku yimaada si deg deg ah, isla markaana ay adag tahay in lala tacaalo haddii uu mar soo ifbaxo.

Waana sababta badinaysa jaaniska uu bukaanku ugu geeriyoon karo waqti aan ka fogeyn marka uu xanuunku yimaado.

Waa Maxay calaamadaha cudurka Faaliga ama Dhan-qalalka?

Calaamadaha xanuunkaan waxay ku xidhanyihiin qaybta maskaxda ee uu dhiigu ka istaagay ama dhiigbaxu saameeyey iyo inta ay cabir ahaan le’eg tahayba.

Calaamadaha Faaligu waxay ku yimaadaan inta badan si degdeg ah daqiiqado ilaa saacad, waxaana kamid ah.

  • Daciif ama qalal ku yimaada gacanta ama lugta ama labadoodaba hal dhinac kamid ah jidhka qofka
  • Murqaha wajiga oo u noqda kuwo aan la dhaqaajin karin ama daciifa
  • Hadalka oo istaagay ama dhib uga soo baxa qofka
  • Kontorool la’aan carrabka iyo dabnaha ah
  • Socodka oo noqda mid aan la awoodi karin
  • Dawakhaad
  • Araga oo dhibaato ku timaado sida in waxwalba humaag kula yeeshaan
  • Madax xanuun
  • Miyir dabool

Inta badan malaha wax xanuun ah oo la socdo calaamadaha.

Cudurka Faaligga imaanshihiisa waxaa lala xidhiidhiyaa xanuuno inta badan la kontrooli karo sida kuwo wadnaha.

Dhiig karka, cayilka, daawooyinka qaarkood sida kuwo dhalmada la isaga xidho, sidoo kale dhaqanka qofka ayay ku xidhnaan kartaa kasbashada Faalug sida cabida sigaarka, dadka caba khamriga xad-dhaafka ah.

Daaweynta xanuunkaan maahan inta badan mid lagu guuleysto in bukaanka dib loogu celiyo marxaladiisii caadiga ahayd waayo hadii dhaawac uu gaaro maskaxda waxay ubadan tahay inay dhintaan unugyada uu saameeyey faaluga.

Waxa ugu muhiimsan ee lasamayn karo ayaa ah kahortag, sida cabida sigaarka oo la joojiyo iyo in la kontoroolo xanuunada wadnaha, cayilka oo la iska ilaaliyo.

 

Dhiig karka oo la kotoroolo, jimicsi iyo cunooyin aanay ku badnayn dufanka oo lacuno, waxay yarayn karaan jaaniska lagu helo karo Faaliga.

Talo:

Iska ilaali wax walba oo lala xidhiidhin karo bilowga Faalig, sigaarku waa sababe xanuuno badan oo an qiyaas lahayn, waxaana lagama maarmaan ah inaad joojiso, haddii aad qabto dhiigkar qaado daawooyinka lagu kontoroolo kalana tasho dhakhtarkaaga, kantarool culayskaaga iskana ilaali cayil ama baruurta saa’idka ah.

 

Leave a Reply