Tababar ku saabsan barashada Mishiinka lagu baadho xannuunada uurku jirta oo Hargeysa lagu soo Gaba’gabeeyay

0
217

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Maroodi-jeex oo munaasibad u qabatay xidhitaanka tababar ku saabsanaa barashada mishiinka lagu baadho xannuunada uurku jirta (Ultrasound), kaas oo mudo lagu tabobaraayay shaqaalaha xarumaha caafimaad ee gobolka Maroodijeex.

Tababarkan oo socday mudo saddex bilood ah ayaa waxa wasaaradda kala shaqeeyay jaamacadda Golis iyo dawladda hoose ee hargaysa oo hirgelisay mishiinadii ay ku hawlgeli lahaayeen shaqaaha caafimaadku.

Dr. Maxamed Ibraahin Cali oo ahaa macalinkii bixinayay tababarka ayaa tilmaamay in tabobarkaasi ahaa mid u muhiim ah, waxaanuu intaas ku daray loo baahan in hawl-wadeenadaas caafimaadku casharadii ay barteen ay ugu adeegaan bulshadooda.

Sidoo kale waxaa hadalka iska daba qaatay oo hadalka ku dheeraaday agaasimaha cudduda shaqaalaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Cabdiraxmaan Ibraahin Xasan, agaasimaha Macadka culuumta Caafimaadka ee hargaysa. Dr Naciima, iyagoo si isku mid ah uga warmay muhiimada tababrkan iyo faa’idooyinka uu u leeyahay caafimaadka.

Isuduwaha Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Cabdicasiis Cumar muse oo isna madasha ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay marxaladihii uu soo maray hirgelinta hawshani iyo siday ay qayb-weyn uga qaadan doonto dadaalada loogu jirto Horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Gabo,gabadii Maayir ku xigeenka Caasimada hargaysa Mudane khadar oo Xafladda soo gabo-gabeeyay ayaa ka waramay wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo sida ay marwalba uga go,antahay inay uga qayb-qaatan Horumarinta adeegyada Caafimaad.

 

Leave a Reply