Dhaqaalaha Iyo Dakhliga Dalka! Marka dhinaca dhaqaalaha laga war bixinayo eryada (GNP) waxay u taagan

0
193

Marka dhinaca dhaqaalaha laga war bixinayo eryada  (GNP) waxay u taagan tahay badeecadaha iyo adeegyada dalka gudihiisa laga soo saaray oo lagu daray muwaadinka dalka debdediisa ka sheqeeya lacagta uu soo diro , iyado isla markaana laga jarayo dadka ajaanibka ee dalka gudihiisa ka shaqaysta kharashkooda madaama ay tahay kharash dalku gelayo.

Intaasi aya laga jaraa kharashaadka ama isticmaalka dalku galay. Koboca dhaqaale ee dalkuna waa mid ku xidhan sida uu u kordhayo wax soo saarkiisa iyo badeecada iyo adeegyada kala duwan ee uu dirayo dalka debadiisa, waxaana loo soo gaabiya (GDP). Ama isugeynta wax soo saarka guud ee dalka. Dawladduna waa inay dagaal ku qaado sicir bararka iyadoo isha ku haysa meelaha ay ka soo xeroodaana dakhliga lacagaha adag ee dalka soo gala iyo sida ay u daboolayaan kharashaadka dalka.

Sida lacagaha ka soo xerooda badeecadaha debedda loo diro iyo dakhliga muwaadinku ka soo diro dalalka debedda oo ka mid ah dakhliga guud ee dalka. Haddaba haddii lacagahaasi si fiican aanay iyana baanka ugu soo dhicin ama dalka aanay soo gaadhin waxay noqonaysa dakhli dalka ka lumay oo qayb ka noqon kara sicir bararka iyo hoos u dhaca dakhliga guud ee dalka.

Leave a Reply