Khiyaamada Cadowga Iyo Wakhtiga Adag!

0
200

Waagii Amiir Cali Binu Abu-dalib iyo Mucaawiye dagaalku dhex marayay oo ah seben ay fitnadii Muslimiinta aloosnayd, ayuu boqorkii Ruum Hiraqle isagoo damacsanaa inuu ka faa’iidaysto fursadaasi warqad usoo diray Mucaawiye waxaana uu ku soo qoraya erayadan : “ Waxaan ogaanay waxa idin dhex maray adiga iyo Amiir Cali, anigu waxaanu u aragnaa inaad adigu xaq u leedahay khilaafada iyo xukunka dadka muslimiinta ah”.

“Haddaba hadii aad iga codsato ciidan ku taakuleeya waan ku soo diri doona si ay kuugu hiiliyaan kugu keenaan madaxa Cali Binu Abudalib oo aad uga guulaysato”.

Mucaawiye ayaan qoraalka warqadaasi ku qancin waxaana uu diray warqad jawaab ah oo uu ku qoray eraydan:” Waxaanu nahay walaalo murmay, maxaa adiga oo gaal ah na soo kaa dhex geliyay”?. “Haddii aanad ka gaabsan arimahayaga, waxaan ku soo diri ciidan madaxiisu kula joogo kan ugu danbeeyaana aniga ila joogo oo madaxaaga u keena Cali Binu Abdu Dalib”.

Inkasta oo muran iyo fitno jirtay hadda muslimiinta wakhtiyadii dahabiga ahaa dhaqankoodu waxa uu ahaa kaasi Mucaawiye muujiyay, cadaowgooduna isuma adeegsan jirin.

Leave a Reply