Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo Xadhiga ka Jaray Wajiga Kobaad ee Dhismaha Wadada Boorama iyo Baki

0
158

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray 2KM ee wejiga koowaad ee dhismaha wadadda isku xidha Boorama iyo Baki ee gobolka Awdal, oo la dhamaystiray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku sugan magaaladda Boorama ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray dugsiga caruurta baahiyaha gaarka ah qaba, iyo xafiisyadda maamulka gobolka Awdal, iyo ka degmadda Boorama.

Waddada isku xidha Baki, iyo Boorama, oo 2KM oo ka mida ay dhistay haayadda dhismaha waddooyinka ee ASARDA, waxaa hirgelinteedda maalgelisay xukuumadda dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, jidkaasi oo dhismihiisu muddo socday ayaa la dhameeyay wejigeedii koowaad.

Xadhig ka jarka dhismaha Wadadda isku xidha Boorama, iyo Baki, waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), iyo maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, iyo masuuliyiinta haayadda ASARDA.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo si rasmiya xadhiga uga jaray 2KM ee jidkaasi laga dhamaystiray ayaa sheegay in ay xukuumadu hore u balan qaaday in ay dhamaystiray qaybta hadhay jidkaasi.

C/raxmaan Saylici, ayaa sidoo kale u mahad celiyay haayadda horumarinta waddooyinka ee goboladda Awdal, iyo Selel, ee ASARDA, isagoona xusay in qaybtii ugu dhibka badnayd ee jidkaasi ay haayadu dhamaystirtay.

Waxaanu yidhi, “Aad baanu ugu mahad naqaynaa haayadda horumarinta Waddooyinka ee goboladda Awdal, iyo Selel, ee ASARDA. Waxaanan maanta (shalay) aad ugu faraxsanahay in caqabadii ahayd Baki, iyo Boorama, in ay dhamaan doonto, oo maanta furihii aan xadhiga ka jarayno.

Inta hadhay, xukuumadu na balan cad ayay qaaday, oo madaxweynuhu na nagu hogaaminayaa, intaa hadhay ee jidka u dhexeeya Boorama, iyo Baki, in ay dhamaystirto. Inta bada na 80% iyadoo qaadanaysa insha ALLAAH xukuumadu”.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay tujaarta iyo ganacstadda goboladda Awdal, iyo Selel, in cidii jecel in ay wax ka bixiso hantideedda in ay wax ku darsadaan waddada isku xidhaysa Baki, iyo Boorama, taasoo dhibaato ku hayso bulshadda goboladaasi.

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa, oo aan leeyahay dadka muxsiniinta ah ee reer Awdal, ee dhaqaale uu hayo doonaya inuu Waqfi geliyo, waxaan leenahay Waddadaa u dhaxaysa Baki, iyo Boorama, ayaa dhibaatadda ugu badan inagu haysee, oo dadkeenu na ku dhiban yihiine, halkaa ha la geliyo ayaanu leenahay” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Guddoomiyaha haayadda horumarinta Waddooyinka ee ASARDA, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka war-bixiyay dhibkii iyo hawshii ay ka soo mareen dhamaystirka 2KM ee ay Laamiga ka dhigeen.

Waxaanu yidhi, “Muddo ayay nagu qaadatay, kolay na duruufaheedda ayay iska lahayd. Laakiin, intii meeshan marri jirtay ayuun baa garanaysa, dadka, iyo baabuurta iskaba daaye, xataa Awrta ayaan marri kari jirin. Balse maanta guusheedii waynu gaadhnay”.

Waddadani waxay bar-bilaw u tahay waddada Baki tegaysa, ee Boorama ka timaadda oo markii hore 45KM ahayd, balse imika 35KM ay ka hadhsan yihiin, halka 2-dii KM ee u horeeyay na ay haayadda ASARDA maal-gelisay, oo ay Laami ka dhigtay.

Sida uu sheegay guddoomiyaha haayadda ASARDA, waxaanu intaas raaciyay guddoomiyuhu in 33-ka KM ee kale ee hadhay na ay u taagan tahay, oo ay sugayso dadweynaha ku dhaqan Boorama, iyo Baki, iyo xukuumadda Somaliland, iyo sidoo kale qurbe joogta u dhashay goboladda Awdal, iyo Selel.

Geesta kale maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa sheegay in ay ka gole deegaan ahaan aad ugu faraxsan yihiin 2KM ee jidkaasi ee la dhamaystiray. Waxaanu tilmaamay in waddadaasi dhibaato fara badan laga la kulmi jiray.

Iyadoona dad badan oo doonayay in ay Khudaartoodda, iyo waxyaabaha ka soo baxa beerahoodda Baki, markay doonayaan in ay Boorama keenaan ay dhib badan ku qabeen. “Waxaynu halkan u joognaa in 2KM ee ugu horeeyay ee jidka iska xidhaya Boorama, iyo Baki, oo ay ASARDA 2KM dhamaystirtay, oo Laami ah, inuu maanta (shalay), madaxweyne ku-xigeenku xadhiga inooga jarro.

Anaga farxad bay noo tahay, in waddadaasi oo dhibaato fara badan laga la kulmi jiray. Dad badan oo doonayay in ay Khudaartoodda, iyo waxyaabaha ka soo baxa beerahoodda Baki, markay doonayaan in ay Boorama keenaan ay dhib badan ku qabeen, in 2KM ee ugu horeeyay la dhamaystiro, oo weliba Laami laga dhigo. Inta kalena Carro-tuulkii wuu socdaa, waxaanan rejaynaynaa inuu dhamaanayo” ayuu yidhi maayarka Boorama.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbarro), oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in wakhti hore uu safar ku soo maray jidka isku xidha Boorama, iyo Baki, inuu arkay dhibaatadda laga la kulmi jiray.

Tiinbarro, ayaa ku booriyay ganacsatadda u dhashay goboladda Awdal, iyo Selel, iyo sidoo kale qurbe joogta goboladaasi u dhashay in ay ka soo qayb qaataan qaybta hadhay ee dhismaha jidkaasi.

“Waxay ka dhibaato badnayd 2Km ee la dhameeyay, 24-ka KM ee kale ee hadhay. Aad baan ugu mahad naqaynaa ASARDA. Afkuun maahee, waxaa la inooga baahan yahay in gacanta na la raaciyo ayaa loo baahan yahay. Ama qurbe jooga ha noqoto, ama dadka deegaanka ha noqoto, ama beeralayda ha noqoto, waxaynu ku balanay in aynu 24KM ee hadhay na Laami ka dhigno. Dedaal baa la inooga baahan yahay, iyo in aynu isku tashanno” ayuu yidhi Tiinbarro.

 

 

 

Leave a Reply