Wasiirka Qorshaynta oo Sugida Cunada kala hadlay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda FOA

0
211

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Kulankaasi ayaa intii uu socday waxa diirada lagu saaray sidii loo xoojinlahaa awooda cunto sugida ee hay’addaha Dawlada, isla markaana si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo hay’adda sugnaanta Cunnada u qaabilsan Somaliland.

Madaxda hay’adda FOA, waxa ay qireen sida ay mihiimka u tahay xoojinta awoodda hay’adaha dawlada Somaliland u qaabilsan sugida cuntada, waxayna labada dhinac isla qaateen sidii loo sii wadi lahaa, isla markaana loo adkayn lahaa xidhiidhka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba si loo gaadho mudnaanaha Qaranka ee ku salaysan Qorshaha Horumarinta Qaranka si loo gaadho hiigsiga Qaranka ee 2030.

 

 

 

Leave a Reply