Axeman Iyo Habeenidii Cabsida!

0
349

Gobolka Orlean ee dalka Maraykanka bishii May sanadkii 1918 ilaa bishii October 1919 waxa ka soo baxay nin dadka faash ku dili jiray. Ninkaasi oo loo yaqaanay Axeman (Faashle) waxa yaab ahayd in goobaha uu muusiga iyo qoob ka cayaarku ka socdo aanu qofna ku dili jirin ee uu iska dhaafi jiray, iyo weliba qofka miisiga dhegaysanaya hadduu keligii yahay xataa.
Ninkan ayaa habeenkii dilka geysan jiray isagoo qof kasta oo uu arko faashkaasi ku dili jiray. Dad badan ayaa u haystay inuu yahay shaydaan laakiin booliiska ayaa cadeeyay inuu yahay nin caadi oo inta badan goobaha madow dadka ku dila. Sida booliisku cadeeyeen 6 ilaa 7 qof ayuu dilay isagoo dhaawacyo u geystay kuwo kale.
Habeen ayaa la sheegay inuu yidhi “Caawa qof ayaan faash ku dili doonaa”, habeenkaasii waxay noqotay magaalada Neworalena in dhamaanteed miisiga iyo jaasku ka baxo guri kasta. Huteelada magaalada ayaa iyana soo kiraystay kooxo miisiga iyo qoobka cayaarka wada ilaa subaxnimada si ay uga nabad galaan Axeman iyo dilkiisa. Booliiska ayaa u hawl galay qabashada Axeman laakiin haddana kumay guulaysn inay qabataan, lamina garanayo meel uu ku danbeeyay.

Leave a Reply