Hay’adda Dhawrista Tayada oo Bilaabaysa Shaybaadhka Cuntada, Dawada iyo Cosmetics

0
200

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa sheegtay in ay bilaabayaan waajibaadkooda shaybaadhiseed ee Cuntada, Dawada, Cosmetics iyo guud ahaan anfaca dalka soo gelaya iyo kuwa dalka gudihiisa laga soo saaro.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa waxa lagu sheegay in lagu wargalinayo Ganacsatada in Hay’adda Dhawrista Tayada ay bilaabayso Shaybaadhida badeecadaha kala duwan.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa Sidan:- “Ujeedo: Wargelin Bilaabida Shaybaadhida Cuntada,Daawada iyo Cosmetics.

Hay’adda Dhawrista Tayadu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda Qaranka ay masuulka uga tahay ee ku xusan xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada xeer Lr:68/2014 qodobadiisa 34aad, 35and iyo 36and isla markaana hirgelinaysa shaqada shaybaadhka qaranka ee hubinta Tayada Cuntada,Dawada, Cosmetics iyo Guud ahaan anfaca dalka soo Gelaya iyo kuwa dalka Gudihiisa laga soo saaro, waxa ay ku wargelinaysaa Dhamaan Ganacsatada Jamhuuriyada Somaliland in shaybaadhku bilaabayo waajibaadkiisa shaybaadhiseed.

Haddaba waxa shaybaadhku alaabta dalka soo gelaysa iyo kuwa gudaha laga soo saaro ka qaadi doonaa muunad lagu sameeyo shaybaadhis (Sample for Test), waxa aanu Ganacsatada faraynaa in shaqaalaha shaqadaa u xilsaaran ay ku gacan siiyaan gudashadeeda fuliyaana wixii waajibaada ee dhinacooda ku xidhan ee uu dhigayo Qodobka 43and ee xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada xeer Lr: 68/2014.

Sidaa daraadeed, waxaan masuuliyiinta iyo Hay’adaha ogta ku leh wareegtadan ka codsanaynaa in ay Gacan ku siiyaan shaybaadhka qaranka ee Hubinta Tayada Gudashada waajibaadkiisa qaran. Allah Mahad Leh.

Mukhtaar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista.”

 

 

Leave a Reply