Waa Muhiim in ay Xukuumaddu Taageerto Bulshada Dhaqaalahoodu Hooseeyo…..” Wasiirka Isgaadhsiinta

0
236

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillahi Sh Yuusuf ayaa sheegay inay muhiim tahay in hooyada la kaalmeeyo iyo sidii bulshada inta dhaqaalahoodu hooseeyo loo taageeri lahaa.

Md. Cabdiweli oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu daahfuray barnaamijka daryeelka Bulshada oo shalay laga daahfuray caasimada Hargeysa ayaa sheegay in Wasaarada Isgaadhsiinta ay ka soo gelayso dhinaca Tiknoolajiyada ee gudbinta dhaqaalaha (mobile money) oo farxad noo ah si hanaankan looga faa’iideysto, bulshada meelo fogfog lagu gaadhsiiyo.

Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa sheegay in mashruucani yahay shaqadii dawladu u qaban lahayd bulshada (social contract),

“imika degmo keliya ayaa tijaabo ahaan looga fulin doona mashruuca, mustaqbalkana degmooyinka dalka ayaa laga fulin doona.”

Waxa uu sheegay inay ka warqabaan in bulshada dhaqaalaheedu kala tegay, waxaanu yidhi “waa muhiim in bulshada inta dhaqaalahoodu hooseeyo la taageero.”

Waxuu uga mahadceliyey Wasiirka Shaqada iyo hawlwadenadiisa inay shaqo muhiim ah qabteen, sidoo kale waxuu u mahadceliyey Dawladda Jarmalka oo dhaqaalaha bixisay, soona marisay hay’ado kala duwan.

 

 

Leave a Reply