Mexico: In ka badan 340 tahriibayaal ah oo laga dhex helay gaadhi xamuul ah

0
194

Saraakiisha Mexico ayaa ka helay in ka badan 340 qof gaadhi xamuul ah oo Tareele ah oo lagaga tegay gobolka Veracruz, waxa dadkaa ku jiray 103 carruur ah oo aan lala socon.

Muhaajiriinta ayaa u kala dhashay Guatemala, Honduras, El Salvador iyo Ecuador. Waa mid ka mid ah daah-furkii ugu weynaa ee dhawaanahan la helay oo ay ku jiraan carruurta muhaajiriinta ah ee ku safraya Mexico.

Dhammaantood waxay u muuqdeen kuwo aan waxba la yeelin oo Tareelaha ayaa lahaa marawaxado iyo meelo hawo-laga qaato, sida ay saraakiishu sheegeen.

Lama oga halka uu ku dambeeyay darawalkii gaadhigu.

Iyaga oo ka cararaya faqriga iyo rabshadaha Badhtamaha Ameerika, muhaajiriin badan oo aan sharciyeysnayn ayaa ku soo baxa lacag aad u badan oo ay siiyaan dadka-mukhalasiinta si ay uga tallaabiyaan xadka Maraykanka.

Sanadkii hore, 53 muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga helay gaadhi xamuul ah oo laga tagay gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Dad gaadhaya 343 qof ayaa laga helay gaadhigan oo la helay habeenimadii Axadii, sida uu sheegay machadka socdaalka qaranka Mexico (INM).

Waxaa laga helay waddo caadi ah oo dadka muhaajiriinta ah lagu geeyo xadka Maraykanka.

Muhaajiriinta ayaa gacmaha ku xidhnaa waxyaabo midab leh oo ay isticmaalaan Mukhalasiintu, waxaanay ku kala garanayaan macaamiishooda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sawir ay qaybisay hay’adda INM ayaa muujiyay caagado iyo qashin daadsan sagxadda tareenka.

Dadka Soo-galootiga ah waxa daryeelaya ururada bulshada ee Mexico ilaa laga go’aan laga gaadho xaaladooda.

Xogta ilaalada xuduudaha ee uu helay CBS News bishii Oktoobar ayaa muujinaysa in ugu yaraan 853 muhaajiriin ah ay dhinteen iyaga oo isku dayaya inay si sharci darro ah uga gudbaan xadka Maraykanka iyo Mexico 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Taasi waxay sanad xisaabeedka 2022 ka dhigtay sanadkii ugu dhimashada badnaa soogalootiga ay diwaan galisay dowladda Maraykanku, taas oo aad uga badan rikoodhkii hore ee dhimashada 546 muhaajiriin ah sanadka 2021.

Ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa isla muddadaas ku qabtay 2.2 milyan oo muhaajiriin ah xadka koonfur-galbeed.

 

 

Leave a Reply