Qore Khadar M. Xaashi
Ceerigaabo (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Masjid Jaamaca Magaaladda Ceerigaabo ku qabatay Tartanka kala saarinta Qurโaanka Kariimka ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Tartankan oo la qabto sannadkasta barakaysan ee Ramadaan, kaas oo uu hirgelinttiisa leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Waxa Tartankan ka qayb qaata ardayda xaafidul Qur’aanka ee gobollada iyo degmooyinka dalka.
Tartankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa doorkan lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Masuul ka tirsan wasaaradda diinta iyo awqaafta ka hadlay daahfurka tartanka kala saarista xufaadaka ka qayb qaadanaysa Qurโaanka Kariimka ah ayaa sheegay in guud ahaan gobollada Somaliland oo dhan ay ka qabanayaan, isla markaana gobolkasta looga baahan yahay saddex arday, waxaanu in ay yihiin 3 daasi kuwa gobolkasta ku mateli doona tartanka Qurโaanka Kariimka oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa.
Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in ardayda Kaalmaha hore gala la siin doono Jaaโisado aad u qaali ah, waxa uu ardayda xufaada ee ku guda jira barashada Qurโaanka Kariimka kula dardaarmay in hadafkooda iyo ujeedadooda koowaad ay noqdaan raali ahaanshiyaha ILLAAHEY, waxaanu macalimiinta ardayda u barta Quraanka Kariimka iyo Qowlka ALLE ka codsaday in ay markasta isku taxaluujiyaan sidii ay u diyaarinlahaayeen arday kaalmaha hore ka gali karta tartanka Qurโaanka, kuna mateli karta gobollada ay ka yimaadeen.
Cabdiraxmaan Jaamac ayaa kaalinta koowaad ee tartanka Qurโaanka Kariimka ah ee lagu daahfuray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku guulaystay, halka uu kaalinta labaadna uu galay Cusaama Ismaaciil Jaamac, halka kaalinta saddexaadna uu galay Yaasin Maxamed Yaasin.
Gabaโgabadii waxa madasha tartanka Qurโaanku ka socday ka hadlay isuโduwaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ee gobolka Sanaag, Siciid Axmed Warsame, waxaanu u mahadceliyay ardayda, macalimiinta qiimaynta tartanka Qurโaanka Kariimka, macalimiinta ardayda wax soo baray, iyo madaxweynaha Somaliland oo maalgelinta tartanka Qurโaanka Kariimka ee bisha Ramadaan isagu ku suntan.