Somaliland: Afar kun oo Macalin oo galaya Imtixaan lagu kala xulanayo

0
176

Hargeysa (Dawan) Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa shaacisay inay bilaabayaan hubbinta iyo diwaangelinta macaliminntii ku meel gaadhka ahaa ee dugsiyada sarre iyo hoose dhexe ee dalka, kuwaas oo ka hawlgalayay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,

Macalimiinta galaya imtixaankan lagu kala xulanayo ayaa loo saaray laba guddi oo isku dhaf ah oo kuwaas oo bilaabi doona qiimeyntooda iyo imtixaan ka qaadistoodaba.

Sidoo kale Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday Jadwalka imtixaanka iyo hubinta macalimiintii ku meelgaadhka ahaa ka hawlgalayay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

Macalimiintan oo wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee dawladda Waxbarashada iyo Sayniska ee ka hawlgalayay dugsiyadda hoose dhexe iyo sare ee gobollada dalka, isla markaana hubbintooda iyo diwaangelintooda la bilaabi doona bishan 25-keeda, iyada oo ay qaadan doonto muddo toddoba cisho ah.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax ayaa sheegay in afar kun oo macalin ay gali doonaan imtixaanka lagu kala saarayo, waxaanu xusay in ay kooban yihiin dadka la qaadanayo, waxaanu intaas ku daray iin ay ku dadaali doonaan hubbinta iyo diwaangelinta macalimiintaasi, waxaanu intaas raaciyay in shuruudaha laga doonaya ay yihiin in uu yahay macalin la hubbo in uu si kumeelgaadh ah wax uga dhigayay dugsiyada dawladda, in uu sito kaadhka muwaadinka iyo in guddidu caddayso.

 

Leave a Reply