Qodobo Mihiim ah oo ay Tahay in Soonka Bisha Ramadaan loogu Diyaargaroobo

0
205

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe Muxumed Geelle, oo ka mida culimada waa weyn reer Somaliland, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay waxyaabaha ay mihiimka tahay in bisha barakaysan ee Ramadaan loogu diyaargaroobo, taas oo ay maalmo koobani innaga xigaan haddii ALLE idmo.

Sheekhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xafido salaadaha Faralka ah, kuwa suna ah, kuwa Salaatul Laylka, akriska Qur’aanka Kariimka ah, waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in bulshadu qorshe ka yeelato quudinta dadka masaakiinta ah ee bulshada dhexdeeda ku nool, waxaanu tusaale u soo qaatay in Nabiga SCW laga soo wariyay in qofkii qof Sooman afuriya uu leeyahay ajarka qofka sooman.

Sidoo kale waxa uu sheekhu  waxa uu bulshada ku booriyay in ay iska dayaan balwadaha iyo aafooyina camalka dhaawaca, si ay bisha barakaysan ee Ramadaan ugu diyaargaroobaan, isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mida balwadaha la rabbo inay dadku ka tagaan oo aanay lahayste u noqon, waxaanu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in qofku uu ka tago isla markaana uu joojiyo, balwadaha ay ka midka yihiin, Qaadka, Gaayaha, Buuriga canka la dhigo, sigaarka, kuwa sanka laga qaato.

Waxaanu yidhi.“Waxyaabaha ay tahay bisha barakaysan ee Ramadaan in aynu ugu diyaargarowno waxa ka mida inaynu Salaadaha Faralka joogtayno sababto ah waa Raasamaalkii Faralku, Salaadaha Sunayaasha in aynu xafidno, Qur’aan akhriska in uu sii bilaabo, salaadaha habeenkii iyagana in uu qofku sii bilaabo.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay dadka iyaga oo Sooman hadana aan tukan waxaanu yidhi.“Qofku haddii uu Soomo balse uu Salaada ka tago waa jeebkiisa waana hab cusub oo uu isagu la yimid, Diintu Nabi Maxamed la yimid CWS, ee Towxiidku kowga ka ahaa ee Salaadu Rugniga labaad ahayd maaha, Asxaabtu in Salaada laga tago Kufri iyo Gaalnimo ayay u arkayeen, marka Raasamaalka ayaynu ku mitidaynaa.

Sheekh Maxamed Haybe waxa uu bulshada ka codsaday in ay bisha Ramadaan ka qayb qaataan kaalmeynta iyo quudinta dadka hayntooda dhaqaale hoosayso, waxaanu ku booriyay in ay Qasnadaha furan isla markaana ay ka qayb qaataan afurinta dadka Sooman ee aan haysan wax ay ku afuraan.

Waxaanu yidhi.“Waa in dadka masaakiinta ee tamarta daran wixii aynu u qaban karayno aynu u diyaargarowno, oo qofku ku talo galo  mushaharkaaga maxaad ka goyn karta, khasnada maxaad uga soo saari kartaa, waayo waxyaabaha ILLAAHEY loogu dhawaado kuwa ugu qiimaha badan ayay ka mid tahay, Nabigu waxa uu xusay qofka qof Saa’ima afuriya in uu leeyahay ajarkii qofkaa, oo ajarkii qofka aan waxba laga nusqaaminayn.

Sidoo kale waxa uu sheekhu  waxa uu bulshada ku booriyay in ay iska dayaan balwadaha iyo aafooyina camalka dhaawaca, si ay bisha barakaysan ee Ramadaan ugu diyaargaroobaan, isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mida balwadaha la rabbo inay dadku ka tagaan oo aanay lahayste u noqon, waxaanu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in qofku uu ka tago isla markaana uu joojiyo, balwadaha ay ka midka yihiin, Qaadka, Gaayaha, Buuriga canka la dhigo, sigaarka, kuwa sanka laga qaato.

Waxaanu yidhi.“Bisha Ramadaan waxa aynu ugu diyaargaroobayna in qofkii Balwadlihii balwadii ka xoroobo, Qaadka, Sigaarka, Gaayaha, Buuriga canka la dhigo, ka la ursado, marka walaal ciddii ku ibtilaysani haka dhex baxdo,  maaha Balwad in aynu la hayste u noqono, marka qofka noocyada kala duwan ee Balwadaha lahaystaha u ahi kama qaniimaysan karo Bisha barakaysan ee Ramadaaan iyo bilaha kale ee ILLAAHEY loo dhawaanayo, Qiyaamu’layl ma tukankaro, Qur’aan ma akhrisan karo,  masoo xaadiri karo, baabuurka hoonka soo tumaya ee xadka ka soo talaabaya ayuu intaas sugaya soo dhacyeey ninkii maqla dhawrsan kari waa, ilaa uu Balwada Jaadka ka xoroobo bilahan kana qaniimaysan karimaayo.”

Sheekh Maxamed Haybe Muxumed Geelle waxa uu soojeediyay in ay habboon tahay si qofku ugu diyaar garoobo soonka bisha barakaysan ee Ramadaan in uu yareeyo hawlaha shaqo ee uu qabto.

Waxaanu yidhi “Sidoo kale waa in adduunyada iyo shaqadeedii aad iska soo yarayso, oo uu adduunyadii u soo faro baxo, dadka waxa ay ku mashquulaan foox dabka lagu rido, durbaan la tumo, qasiidooyin la qaado, koobabka Ramadaanka wax loogu yeedho oo caruurta lagu mashquuliyo, iyo waxyaabo kale intaba waa in aynu iskaga tagno oo aynu u soojeedsano sidii aynu bishan barakaysan ee Ramadaan uga qaniimaysanlahayn.

Nabegu SCW, saddex jeer ayuu aamin yidhi, khudbadii markii uu dhammeystay ee uu soo degay asxaabta ayaa Nabiga ka soo wariyay, Ibnudu Tarmani, waxa ay asxaabtu waydiiyeen Nabi ALLOW markaad Minbarka fuulaysay saddex jeer ayaad tidhi “Aamin Aamin Aamin”, sidaasna maad sameyn jirin, waxaanu yidhi Nabigu “Qofka soo gaadha labadiisii waalid soo gaadhay, da’a ku soo gaadhay, ama midkood soo gaadhay, ee samafalkii iyo ixsaanku u sameynayay aan janada ku gelin ALLE naarta haku fogeeye Aamin dhaha, qofka Nabi Maxamedow agtaada lagu soo qaado ee aan kugu saliyin in uu Naarta galo aamin dheh, ka saddexaad waa qof Ramadaan u soo gashay oo ay baxday isaga oo aan loo danbi dhaafin ALLE naarta haku fogeeye aamin dheh”

 

Leave a Reply