Ururada Siyaasada oo ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka

0
239

Hargeysa (Dawan) Dalada Ururada Siyaasada Somaliland ayaa soo dhaweeyay hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee uu ku sheegay in la qabanayo Doorashada Ururada Siyaasada.

Ururada Siyaasada Somaliland oo si wada jira Warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Saddexda xisbi ee ka soo baxa doorashada Ururada Siyaasada ay u tartami doonaan doorashada Madaxtooyadda,

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hilaac Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sheegay in doorashada ugu soo haoraysaa tahay Doorashada Ururada Siyaasada, waxaana uu yidhi “Madaxweynuhu wuu cadeeyay in sannadkani yahay sannadkii doorashooyinka, waxaana soo horaysa doorashada Ururada Siyaasada oo ay gali doonaan tobankii urur ee soo baxay iyo Saddexdii xisbi ee imika ururka noqday. Saddexda xisbi ee soo baxa ayaa noqon doona saddexda xisbi qaran”.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talowadaag Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu ku boogaadiyay Madaxweynaha hadalkii ka soo yeedhay ee qabashada Doorashada Ururada Siyaasada, waxaana uu yidhi “Sida aad la socotaan Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in sannadkani yahay sannadkii doorashooyinka, hadaanu nahay Ururada Siyaasada qodobkaa Madaxweynaha waanu ku boogaadinaynaa waxaana bulshada u baahantahay in la mideeyo meelna uga soo wada jeedsato danaheeda”.

Sidoo kale Cabdilaahi Ibraahim Habane oo ka tirsan hogaanka Urur Siyaasadeedka Kaah ayaa waxa uu sheegay in 13 urur ku tartamidoonaan doorashada ururada Siyaasada, waxaana uu yidhi “Dadka yaan been loo sheegin 13 urur ayaa tartamaya 3 Xisbi ayaa ka soo baxaya, Saddexdaas ayaa doorashada Madaxtooyadda u tartami doona, waana mid waafaqsan sharciyadda iyo dastuurka.doorashooyinka, nidaam dastuuriya ayay waafaqsantahay Madaxweynuhu dastuurka ayuu fulinayaa Koomishanka Doorashooyinka, xisbiyadii hore tartan ayaa la galayaa hadaad bulshada haysataan waad soo noqonaysaan hadii kale waad waydaaranaysaan”.

 

Leave a Reply