Sahan: Lahore ayaa noqotay magaalada ugu wasakhaysan, hal Chad ay tahay wadanka ugu hawada xun

0
272

Magaalada Lahore ee Pakistan ayaa ka soo booday kaalinta 10-aad, isla markaana noqotay magaalada ugu hawada ugu xun aduunka sanadkii 2022, sida lagu sheegay sahan sanadle ah oo caalami ah oo uu samayso shirkad Swiss ah oo samaysa waxyaabaha sifaynta hawada.

Shirkada oo loo soo gaabiyo IQAir ayaa Salaasadii todobaadkii hore warbixin ay daabacday ku sheegtay in sidoo kale dalka Chad oo ku taal badhtamaha Afrika uu bedelay Bangaladesh oo hore u ahaa wadanka ugu hawada wasakhaysan sanadkii hore.

IQAir waxay cabbirtaa heerarka tayada hawada iyada oo lagu saleynayo ururinta waxyaabaha hawada wasakheeya ee waxyeeleeya sambabada dadka loona yaqaano PM2.5. Sahankeeda sannadlaha ah waxaa si weyn u soo xigta cilmi-baadhayaasha iyo ururada dawladda.

Tayada hawada Lahore ayaa sii xumaanaysay, waxaana laga helay waxyaabaha hawada wasakheeya boqolkiiba 97.4 micrograms PM2.5 halkii mitir cubic, halka ay sanakii 2021 ka ahyd 86.5, taas oo ka dhigaysa magaalada ugu wasakhda badan caalamka.

Hotan, oo ah magaalada kaliya ee Shiinaha ee ku jirta 20ka magaalo ee ugu sareeya, ayaa ku xigta Lahore oo qiyaasta  wasakhiwgeeda hawada waxyeelaa ee loo yaqaano PM2.5 uu gaadhsiisan yahay  94.3, halka uu markii hore ahaa 101.5, sanadkii 2021.

Labada magaalo ee ku soo xiga ee qiimaynta waa Hindiya: Bhiwadi, oo ku taal duleedka Delhi oo heerka wasakhowgeedu yahay 92.7 iyo Delhi lafteeda 92.6.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku talinayaa in heerka PM2.5 uu ahaado 5 micrograms halkii mitir kuyuubik.

Chad uu celcelis ahaan waxyeelada hawadeedu waxay gaadhay 89.7, Ciraaq, oo ahayd dalka labaad ee ugu wasakhaysan wuxuu celceliskeedu ahaan 80.1.

Pakistan, oo lahayd laba ka mid ah shanta magaalo ee ugu hawada xun sanadkii 2022, ayaa kaalinta saddexaad ka gashay qiimaynta guud ee dal ahaan iyada oo heerkeedu yahay 70.9, Baxrayn ayaa ku xigta 66.6.

Tayada hawada Bangladesh ayaa kor u kacday tan iyo sanadkii 2021, markaas oo lagu calaamadeeyay dalka ugu hawada xun. Waxay ku jirtaa kaalinta shanaad warbixintii ugu dambeysay, iyada oo heerarka PM2.5 ay hoos ugu soo dhaceen 65.8 marka loo eego 76.9.

Hindiya waxay leedahay qaar ka mid ah magaalooyinka ugu wasakhaysan adduunka, laakiin waxay ku jirtaa kaalinta 8aad warbixintii ugu dambeysay, iyada oo heerka PM2.5 uu yahay 53.3.

Warbixintu waxay sheegtay in Hindiya iyo Pakistan ay soo mareen tayada hawada ugu liidata ee badhtamaha iyo koonfurta Aasiya, halkaas oo ku dhawaad ​​60% dadka ku nool ay ku nool yihiin meelaha cidhiidhsan heerka sunta PM2.5 ay ugu yaraan toddobo jeer ka sarreeyaan heerarka ay WHO soo jeedisay.

Warbixinta ayaa sheegtay in mid ka mid ah 10kii qof ee adduunka ku nool uu ku nool yahay aag ay wasakhowga hawadu khatar ku tahay caafimaadka.

Dhulka Maraykanka ee Baasifigga Guam waxa laga ururiyey inuu ka mid yahay meelaha ugu hawo nadiifsan, iyada oo la ururiyey heerka suntan PM2.5 ay tahay 1.3, halka Canberra oo ah Australia ay ka mid tahay kuwa ugu nadiifsan, oo leh 2.8.

Tusmada waxaa la diyaariyay iyada oo la adeegsanayo xogta in ka badan 30,000 oo ah kormeerayaasha tayada hawada ee in ka badan 7,300 goobood oo ku yaal 131 waddan, dhulal iyo gobollo.

 

 

Leave a Reply