Shiinaha oo Cambaareeyay Heshiiska Saddex geesoodka – AUKUS ee Awoodda Nukliyeerka Bad-hoosteeda

0
200

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa Australia ku eedaysay in ay jabisay shuruucda caalamiga ah ee fidinta hubka nukliyeerka,kadib markii Isniintii lagu dhawaaqay tafaasiisha heshiiska  quwadda nukliyeerka Maraakiibta Baddaha quusa ee hoos imanaya heshiiska amniga saddex geesoodka AUKUS oo u dhexeeya Australia,Maraykanka iyo Britain.

Shiinaha ayaa ku eedeeyay isbahaysigan AUKUS inuu bilaabay “dariiq khalad iyo khatar ah.”

Isniintii, hogaamiyayaasha Maraykanka, Ingiriiska iyo Australia waxay ku dhawaaqeen heshiis ku saabsan horumarinta quwada Nukliyeerka maraakiibta wax weerarta ee Australia, waxa kale oo heshiiska ku jira in maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ay wareegaan biyaha Australia marka la gaadho sanadka 2027.

Heshiiska saddex geesoodka ah oo ay ku kacaya balaayiin doollar ayaa Australia siin doona ugu yaraan saddex markab oo uu Maraykanku sameeyay oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Xulafadu waxay sidoo kale ka wada shaqayn doonaan si ay u abuuraan koox cusub oo hoosaadyo ah iyaga oo isticmaalaya tignoolajiyada casriga ah.

Kulan warbaahineed oo caadi ah oo ka dhacay magaalada Beijing Salaasadii, af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin wuxuu sheegay in la-hawlgalayaasha AUKUS ay “u daneynayaan danahooda juqraafiga ah” gabi ahaanba waxay iska indhatireen “walaaca beesha caalamka.”

Shiinuhu wuxuu hore ugu eedeeyay Washington, London iyo Canberra  in ay wadaan “maskax dagaal qabow.”

Wasiiro sarsare oo ka tirsan dawlada Australia ayaa telefoon kula xidhiidhay dhigooda in ka badan 60 wadan maalmo ka hor maalinta Isniinta ee ku dhawaaqida AUKUS si loo yareeyo walaaca laga qabo faafitaanka nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha, ayaa, ilaa hadda, diiday in warbixin laga siiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Penny Wong ayaa Arbacadii u sheegtay Australian Broadcasting Corp. in dawladdeedu ay doonayso in ay noqoto mid ka hufan ra’iisul wasaarihii hore ee Scott Morrison, oo saxeexay heshiiska AUKUS Sebtembar 2021.

“Waxaan rabnay inaan xasilino xidhiidhka Shiinaha, sidoo kale waxaanu dooneynaa inaan si qoto dheer dib ula macaamilno dalalka gobolkeena,” ayuu yidhi Wong. “Waxaan raadinay inaan sameyno labadaas arrimood oo ay ku jirto qaabkii aan ula isula fahmi lahayn warkan (AUKUS) .

Waxay intaas ku dartay, “Waxaan idhi waxaan rabnaa inaan Shiinaha iskaashi kala yeelanno intii awoodayada ah, wixii aan isku khilaafno iyo wixii nagu qasab ah, iyada oo danahayaga qarankuna jiraan.”

 

Raiisel wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in hamigiisa ah ah iskaashi milatari oo weyn oo ay Australia la yeelato Maraykanka iyo xidhiidh dhow oo dhaqaale oo ay la yeelato Shiinaha, oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn, aanay ahayn “mawqif iska soo horjeeda.”

Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Canberra iyo Beijing ayaa sanadihii ugu dambeeyay xumaaday sababo la xidhiidha khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo ganacsi oo kala duwan, laakiin xukuumadda bidix dhexe ee Albanese ayaa hagaajinta xidhiidhka ka dhigtay mudnaanta koowaad.

Ra’iisul Wasaaraha Australia ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wakhtigii uu dhacayey shir madaxeedkii caalamiga ah ee G-20 ee Indonesia bishii November.

Albanese wuxuu booqday Fiji Arbacadii si uu wadahadalo ku saabsan amniga, isbedelka cimilada iyo dhaqaalaha gobolka ula yeesho dhiggiisa, Sitiveni Rabuka.

 

 

Leave a Reply