Abuurka Shimbraha Mucjisada!

0
299

Khubarada Sayniska ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen waxay ku sheegeen inay  ogaadeen in xayawaanka loo yaqaano tukuhu yahay mid maskaxdiisa ku xisaabiya xisaabo kala duwan ,iyaga oo intaasi ku daray inay jirto meelo maskaxdiisa kamid  ah oo u qaabilsan xisaabta.

 

Waxaanay khubaradani sheegeen inay rumaysan yihiin inuu wax u xisaabiyo sida dadka oo kale, iyada oo la barbar dhigay xayawaano kale oo uu kamid yahay daayeerka loo yaqaano Chimpanzee-ga, gaar ahaana nooca loo yaqaano Orangutan oo ah mid ka mid ah Chimpanzee-ga, waxa kale oo isaguna liiska ku jira daanyeerka kale ee loo yaqaano Apes ka oo hadla,lana sheegay inuu aad u maskax badan yahay.

 

Waxaana dhowaanahan tartan dhinaca caqliga ah la galay daanyeerkan shimbiro uu kamid yahay Tukuhu,kuwaas oo qaybo ka mid ah lagu arkay New Caledonia , sida uu sheegay khabiir lagu magcaabo Abu Zurayk.

 

Waxaanu sheegay khabiirkani inuu isku dayey inaan ogaado inta minute ee uu shimbirkani wax xisaabin karo, waxaana arrintaasi igu dhiirigeliyey ayuu yidhi Helen Dietz iyo nin kale oo lagu magcaabo Andreas Nyder oo ka socday jaamacadda Tubingen oo ka mid ah jaamacaddaha Jarmalka.

Waxaanay khubaradani cadeeyeen inuu Tukahaasi awoodo inuu xifdiyo tirooyin uu ka mid yahay laga soo bilaabo 1 ilaa 9, kuwaas oo ah inta ilaa hadda la ogaadey , iyada oo laga yaabo inuu waxyaalo kalena awood u yeesho inuu qabto.

Waxa kale oo Jaamacadda Washington daraasad ay samaysay ku cadaysay in  Tukuhu ka duwan yahay xayawaanada kale isagoo farxadda iyo murugda kala mid aha Aadamiga.

 

 

Leave a Reply