Wixii Cabasho Ka Qaba Maxkamadaha Iyo Xafiiska Xeerilaalinta Waanu Xalin Doonaa” Xeer Ilaaliyaha Guud

0
244

Qore Khadar M. Dhako

Gabilay (Dawan) Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa sheegay in ay wax ka qabandoonaan cabashooyinka ka yimaada Maxkamadaha iyo Xeerilaalinta.

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo shalay kormeer ku soo maray xafiiska xeerilaalinta ee Gobalka Gabilay ayaa uu tilmaamay in wada shaqayn ka dhaxayso Maxkamadaha xeerilaalinta iyo CID,

Cabdiraxmaan Hayaan oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aanu kormeer ka bilownay xafiisyada xeerilaalinta ee Gobalka Gabilay wixii jira aanu ula socono,waxaana aanu soo marnay Maxkamadda degmada Gabilay iyo xafiiska xeerilaalinta Gobalka Gabilay.waxa kale oo aanu kormeer ku mari doonaa xabsiga Magaalada Gabilay iyo dadka ku xidhan iyo xaalada ay ku nool yihiin wixii laga qaban karo laga qabto.waxa kale oo jira hay,addo cadaalada la xidhiidha ee ciqaabta loo yaqaano sida Booliska CID iyagana waanu mari doonaa waxaana aanu kala hadli doonaa xaga cadaalada iyo xalintooda iyo kiisaska socon waaya xalintooda.waanay isku xidhan yihiin Maxkamadda Gobalka xeerilaalinta Gobalka Saldhigyada iyo CID shaqo ayaa ka dhaxaysa,wixii cabasho ka qaba Maxkamadaha iyo Xafiiska xeerilaalinta ee Gobolada waanu xalin doonaa waayo Xafiiska xeerilaalinta waa xubin ka mida gudida cadaalada”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply