Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo Gaadhay Berbera

0
135

Berbera (Dawan)- Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md Mukhtaar Maxamed Cali oo maanta kormeer ku tagay magaalada Berbera, ayaa soo kormeeray qaybaha kale duwan ee xarunta hay’adda dhawrista tayada ee magaalo xeebeedka Berbera.

Goobaha ay shaqadu ka socotay ee uu Gudoomiyuhu kormeeray wax ka mid ahaa xafiisyadda Dekada ee hay’adda dhawrista, xarunta shaybaadhka iyo qaybo kale.

Gudoomiye Mukhtaar oo goobaha uu kormeeray ay war-bxino ku siiyeen masuuliyiinta hay’adda dhawrista tayadda ee magaalada Berbera ayaa sheegay in ay shaqadu si fiican u socoto.

Gudoomiyaha Tayada Mukhtaar ayaa kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda dhawrista in ay shaqada laban-laabaan oo xil wayn iska saaranaa badqabka bulshada reer Somaliland ee dhinaca baadhista Tayada Alaabaha ka soo dega Dekada Berbera.

 

 

 

Leave a Reply