Madaxweynaha Serbia oo dhaleeceeyay Waaranka Qabashada Putin ee Maxkamada ICC

0
351

Soo saarista waaranka caalamiga ah ee lagu soo xidhayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxay yeelan doontaa cawaaqib xumo waxayna sii dheerayn doontaa dagaalka Ukraine, sudaa waxa sheegay madaxweynaha Serbia Axadii todobaadkan.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay warqadii lagu soo xidhayey hogaamiyaha Ruushka Jimcihii, iyada oo ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal. Maxkamada ICC ayaa ku eedeysay inuu si gaar ah u lahaa afduubkii caruur looga soo afduubtay Ukraine intii uu socday duulaanka Ruushka uu ku qaaday deriskooda kaas oo bilowday ku dhowaad ​​13 bilood ka hor.

Laakiin madaxweynaha shacbi-weynaha Seerbiya Aleksandar Vucic, oo hore ugu faani jiray xidhiidhka gaarka ah ee uu la leeyahay hogaamiyaha Ruushka, ayaa dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda.

“Waxaan u maleynayaa in soo saarista amarka lagu xidhayo Putin, oo aan la gelin arrimo sharci ah, ay yeelan doonto cawaaqib xumo siyaasadeed waxayna uu sheegay in ay jirto cagajiid weyn oo ah in laga hadlo nabadda iyo wax ku saabsanUkraine, Vucic ayaa suxufiyiinta ugu sheegay Belgrade.

“Su’aashaydu waxay tahay hadda oo aad ku eedaysay dembiyadii dagaal ee ugu waaweynaa, yaad hadda la hadli doontaa?”  ayuu yidhi Vucic.

“Runtii ma u malaynaysaa inay suurtogal tahay in Ruushka laga adkaado bil, saddex bilood ama sannad?” Waxa uu weydiiyey, isaga oo intaa ku daray, “Shaki kuma jiro in aanu Putin xidhiidh la samayn doonin cid kasta oo hadafkan wadata.

Mar la waydiiyay in Putin la xidhi doono haddii uu yimaado Serbia, Vucic waxa uu sheegay in ay tahay su’aal aan macno lahayn, sababta oo ah way caddahay in ilaa inta uu khilaafka (Ukrain) sii socdo, Putin aanu lahayn meel uu tago,” ayuu yidhi.

In kasta oo Serbia ay raadinayso xubin ka mid ah Midowga Yurub, haddana waxa ay xidhiidh dhow la lahayd Ruushka, waana dawladda keliya ee reer Yurub ee diiday inay ku biirto cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran Moscow.

Vucic, oo ah nin aad uga soo horjeeda maxkamadaha dambiyada dagaalka ee caalamiga ah, waxa uu ahaa sarkaal darajo ka ah xisbi xagjir ah oo hogaamiyihiisu Vojislav Seselj iyo dhawr xubnood oo kale ay ku danbeeyeen maxkamada dambiyada dagaalka caalamiga ah ee dacwadaha dambiyada ay galeen dagaaladii 1990-meeyadii.

Dabayaaqadii sagaashameeyadii, Vucic waxa uu ahaa wasiirkii warfaafinta ee dawladii uu hogaaminayay madaxweynihii Serbia Slobodan Milosevic intii lagu jiray dagaalkii Kosovo halkaas oo ciidamada Serbia lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo kala duwan oo ka dhan ah gooni u goosadka Albania Kosovo.

Milosevic ayaa lagu xidhay Serbia isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal sanadkii 2001. Waxa uu ku dhintay maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee Hague 2006 ka hor inta aan maxkamad la saarin dambiyada ay galeen ciidamada Serbia intii lagu jiray dagaaladii Balkanka ee 1990-meeyadii.

 

Leave a Reply