Koonfur Afrika: Mas’uul baadhayey kiisas musuqmaasuqa oo toogasho lagu dilay

0
333

Xisaabiye u dhashay dalka Koonfur Afrika oo baadhayay kiisas musuqmaasuq oo heerkoodu sareeyo ayaa la toogtay isaga iyo wiil uu dhalay.

Cloete Murray, oo 50 jir ah, waxa uu ahaa daadihiyaha baadhitaan musuqmaasuq oo ku socday Bosasa, oo ah shirkad ku lug lahayd fadeexado qandaraas dawladeed oo badan.

Waxa uu sidoo kale hore arrimo baadhitaan musuqmaasuq uga soo qabtay shirkadaha ku xidhanaa shirkada weyn ee walaalaha Gupta ee hodanka ah, kuwaas oo diiday eedeymaha laaluushka.

Booliiska ayaa laga sygayaa haddii uu jiro xidhiidh ka dhexeeya dilka Mr Murray iyo baadhitaannadan musuqmaasuqa ah.

Sabtidii ayaa Mr Murray lagu dhex toogtay magaalada Johannesburg xilli uu gaadhi ku dhex waday isaga iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Thomas oo 28 jir ahaa, oo ahaa lataliye dhanka sharciga ah.  Waxa toogtay kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan,

Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa afhayeen u hadlay booliiska wiilka ayaa goobta ku dhintay halka Mr Murray loo qaaday isbitaalka oo uu u dhintay dhaawacii,.

Labadan qof ayaa watay gaadhi cad oo Toyota Prado ah, kuna sii jeeday gurigooda oo ku yaalla magaalada Pretoria, sida ay ku warrantay warbaahinta Koonfur Afrika.

Shaqadii Mr Murray ee ahayd baadhitaanka muauqmaasuq shirkadaha, waxa u magacowday maxkamada, waxaana ay ahayd inuu eego xisaabaadka shirkadaha ee galay kuwa baxay iyo inuu soo sheego dambi kasta.

Shirkadahaas waxay ahayd Bosasa, oo qandaraasle dawladeed oo ku saabsan adeegyada xabsiyada la siiyey.

Guddiga caanka ah ee Zondo ee musuqmaasuqa ayaa soo gabagabeeyey in shirkaddu ay si weyn u laaluushtay siyaasiyiinta iyo saraakiisha dawladda si ay u helaan qandaraasyo dawladeed muddadii sagaalka sano ahayd ee madaxweyne Jacob Zuma, 2009 ilaa 2018.

Mr Zuma ayaa diiday inuu la shaqeeyo baadhitaanka balse wuu diiday eedeymaha musuqmaasuqa.

2018, madaxweynaha hadda ee Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dib u bixin doono $35,000 (£27,300) deeqda Bosasa.

Baadhe ka tirsan la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa helay inuu baarlamaanka ku marin habaabiyay deeqda, balse natiijadaas waxaa diiday maxkamadda sare ee dalka .

Mr Ramaphosa waxa kale oo uu la kulmay eedaymo musuqmaasuq oo kale , oo uu diiday.

Bosasa waxay gashay si ikhtiyaari ah ka dib markii bangiyadu xidheen xisaabaadkeedii.

Mr Murray waxa kale oo uu hawlo baadhis musuqmaasuq oo ay ku lug lahaayeen shirkadaha ku xidhan walaalaha Gupta. Guddiga Zondo ayaa ogaaday in walaalaha – Ajay, Rajesh iyo Atul – ay isku dayeen in ay saameyn ku yeeshaan go’aannada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale inta lagu guda jiro madaxweyne Zuma habka loo yaqaan “qabsashada dawladda”.

Guptas waxay ka soo guureen Hindiya una guureen Koonfur Afrika 1993 waxayna lahaayeen shirkado badan oo kala duwan kuwaas oo helay qandaraasyo faa’iido leh oo ay la leeyihiin waaxaha dawladda Koonfur Afrika iyo shirkado ay dawladdu leedahay.

Maamulka Koonfur Afrika ayaa hadda ku hawlan sidii walaalaha Gupta loogu soo wareejin lahaa Imaaraadka , halkaas oo laga sugayo si maxkamad loo soo taago.

Waxay beeniyeen eedeymaha ah inay bixiyeen laaluush dhaqaale si ay qandaraasyo ugu guuleystaan.

 

Leave a Reply