Muddadii aanu ku Jirnay Xabsiyada JSL Si Wanaagsan baa na loola Dhaqmay” Maxaabiistii Dagaalkii Laascaanood

0
314

 

“Wax dhibaato ah oo naloo geystay majirto” Maxaabiistii dagaalkii Laascanood

 Burco (Dawan)- Qaar ka mid ah maxaabiistii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo qabteen dagaalkii Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay mudadii ay xabsiga ku jireen, isla markaana loola dhaqmay si wanaagsan.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillahi (Nafaqo) oo shalay booqday xabsiga magaalada Burco, ayuu ku soo dhoweeyeen Taliyaha Asluubta gobolka oo uga warbixiyey xaalada maxaabiista ku xidhan waxaanu sheegay inay la joogaan maxaabiis maalin dhoweyd dagaalka Laascaanood lagu soo qabtay, isla markaana xabsiga Burco ay soo gaadheen sagaal nin.

Taliyaha Asluubta gobolka Togdheer ayaa sheegay in sagaalka maxbuus ee ay hayaan saddex nin dhaawac yihiin, lixda kalena ay caafimaad qabaan, waxaanu yidhi “Saddexda maxbuus ee dhaawaca ah cusbitaalka ayaanu geynay, laba dheymo ayey noqdeen, nin saddexaad oo Korneylka ahaa qaliin ayuu noqday hawshiisana waa lagu jiraa”

Maxaabiistii lagu soo qbatay dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood oo warbaahinta mid mid ula hadlay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan, isla markaana aanay jirin dhibaato loo geystay, waxaana hadaladooda ka mid ahaa,

“Waanu nabadqabnaa dhamaan raggii maxaabiista ahaa ee lagu soo qabqabtay dagaalkii ka dhacay Goojacade, wararka borobagaandadu waa waxa dadka sii kala fogeeya, wax dhibaato aanu qabnaa ma jirto. Maxaabiista xidhan aniga ayaa dhaawacaygu ugu xumaa, annigana sidii la igu daaweyn lahaa ayaa la wadaa.”

“Waxaan leenahay dad gob ah oo nasab ah ayaa gacanta nagu haya, oo ehelkii iyo qaraabadii dadkii noo yimi u ogolaaday inay nala kulmaan. Wax jidhdil ah oo naloo geystay ma jirto.” ayuu yidhi Kornayl Maxamuud Maxamed Aarsade.

“Burco dad aanu ehel nahay ayaan kula kulmay oo jooga oo si fiican loola dhaqmayo, masaaxiibta kale ee halkaa ku sugan si fiican ha loola dhaqmo oo dadkoodu hala kulmaan” ayuu yidhi maxbuus Mudalib Cabdi Shire.

“Waxaan ka mid ahayn maxaabiistii lagu soo qbatay dagaalkii 18-kii March ee Laascaanood, halkan (xabsiga Burco) ayaan nimi, laba maalmood ayaan joognaa, waanu caafimaad qabnaa. Sagaal nin ayaan ku joognaa, waxii dhaawac ahaa waa la daweeyey, dadka wararka beenta faafinaya waxaan leenahay ha joojiyaan. Ragan gurigoodii ayaa laga soo qabtay gurigoodii ayeyna joogaan.” ayuu yidhi maxbuus Jaamac Cabdirashiid.

 

 

Leave a Reply