Gefafka Baadhista Denbiyada!

0
296

Ninka lagu magacaabo Fritz Moen oo ahaa nin xishood badan oo dhega la’, iyadoo dhibaato dhnaca hadalka ahina ay ugu lamaanayd dhego la’aanta. Laakiin Mr. Moen waxa uu ahaa naafo, aad  u caqli wanaagsan oo xusuus fiican leh, Sanadkii 1987 ayaa la xidhay laguna xukumay 18 sano xadhig.

 

Moen ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday isla markaana dilay gabadh 20 jir oo Norway u dhalatay, inkasta oo aan denbigan wax cadayn ah loo helin.

Haddaba sanadkii 2005 ayaa nin lagu magacaabi jiray Torhespo oo wakhtigaasi sakaraadku hayay, kuna jiray saacadihii ugu danbeeyay noloshiisa qirtay inuu dilay saddex halbood oo ah kalkaaliyaal caafimaad , isagoo si buuxda u wada tilmaamay goobihi uu ku dilay iyo magacyadoodii oo ay ka mid ahayd gabadhii loo haystay dhegoolaha Mr.Moen.  Markii warkaasi soo baxay ee ay cadaatay cidda ka danbaysay  dilka ayaa la sii daayay dhegoole Moen oo u xidhnaa kiiskaasi 8 sano.  Maxkamadda ayaa dhaleecaysay baadhista booliiska ee kiiskaasi iyo sida loogu xadgudbay miskiinka naafada ah ee aan maqalka iyo hadalka midna lahayn. Waxaana la sheegay in ay ahayd cadaalad darradii ugu xumayd ee soo martay Norwa( WKP)

Leave a Reply