Xildhibaan Axmed Timojilic oo ka Hadlay Xaaladda Laascaanood

0
189

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim Axmed (Timojilic) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyaddas Somaliland ayaa ku baaqay in la soo afjaro xaalada dagaal ee ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool.

Axmed Timojilic ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Xukuumaddu tallaabo milatari ku soo afjarto xaalada Magaalada Laascaanood, maadaama oo ay arrintaasi wadahadal ku dhamaan wayday.

Axmed Timojilic oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Talo soo jeedintii Golaha Wakiilada ee Gobalka Sool waxa ay ka koobnayd 17 qodob oo arrin qaran ah duruufo jira awgeed Goluhuna wuu isku qanciyay, Ciidanka qaranka ee Gobalka Sool waanu dhiirigalinaynaa Xukuumadda waa in xaalada Magaalada Laascaanood soo afjarto haday ku dhamaanayso Milatari laakiin ay nabadayntu horayso”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee arinta Laascaanood ay u taalo Golaha Baarlamaanka. Waxaana uu yidhi “Arinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waa arin u taala Golaha Wakiilada hadii uu taageero Guddoomiyaha Golaha Wakiilada arinta Garaadada ee leh waaxa aanu doonaynaa in Magaalada Laascaanood Somaliland ka godo waxaana jirta aragti qofku leeyahay. waxa aynu ognahay in uu beeshiisa raacay oo uu qaranka ka hor yimid oo uu Garaadada taageeray waxa aynu ognahay in uu taageeray Somaliland oo la kala gooyo, hawsha u wadaana tixgalinteeda ayay leedahay.”

 

 

 

 

Leave a Reply