Daraasad: Huruudda oo la Ogaadayt in ay Daweyn Karto Cudurka Kansarka

0
325

Huruudda oo inta badan si weyn looga isticmaalo dunida, ayaa ah mid aan inta badan laga waayin madbakhyada dhammaan dalalka dhaca Koonfurta Aasiya, oo ay ku jiraan Hindiya iyo Pakistan. haddaba, huruuddan loo isticmaalo hagaajinta dhadhanka cuntada ayaa la ogaaday in ay sare u qaaddo caafimaadka qofka isla markaana ay ka hortagi karto Kansarka.

Waxaad ka heli doontaa kumanaan maqaallo ah oo sharaxaya sida huruudda ay u daweyn karto cudurrada sida laabjeexa, kuwa ku dhaca dheef-shiidka, sonkorowga, niyad-jabka iyo cudurka Alzheimers. Waxay xitaa daweyn kartaa kansarka.

Kumanaan daraasadood ayaa lagu sameeyay huruudda, waxaana la sheegay inay ku jiraan walxo dawo ah, huruudda waxaa ku jira maado lagu magacaabo curcumin. Tijaabooyin lagu sameeyay jiirka ayaa muujiyay in ay ka hortagto noocyo badan oo kansar ah gaar ahaan in uu koro.

Laakiina huruudda waxaa boqolkiiba 2 ilaa 3 ku jiraa maadada curcumin marka aan cunno jidhkeena si dhakhso ah uma qaato, daraasadaha ku saabsan huruudda ayay dhif tahay in lagu sheego xaddiga maadada benzene ee ku jirta huruudda.

Haddaba cunista xaddi yar oo ah huruud ah waxay sare u qaadi kartaa caafimaadkeena ama waa inaan isticmaalnaa cuntooyinka ay ku jirto maadada curcumin si aan nafteena uga ilaalino caabuqyada.

Daraasadda

Si arrintaas loo go’aamiyo, waxaynu eegeynaa daraasad lagu sameeyay UK oo ku saabsan saameynta caafimaad ee huruudda. Waxaana kamid ah daraasad ay sameysay jaamacadda Newcastle., waxaana baadhitaan lagu sameeyay 100 qof oo isa soo xilqaamay, waxaana dadkan loo kala qeybiyay saddex qeybood.

Kooxda koowaad waxaa maalin kasta la siin jiray hal qaado oo shaah huruud leh. Kooxda labaad ayaa la siiyay cunto ay ku jirto huruud. Kooxda saddexaad waxa la siiyay huruud iyo waxyaabo kale.

Waxaa baadhritaan lagu sameeyay dhiiggooda, Tijaabadii ugu horeysay ayaa lagu eegay sida unugyada dhiiga ee dadka cunay huruudda ay ugu adkeysan karaan ​​cudurada waxayna muujisay sida uu u wanaagsan yahay habka difaaca jidhkooda.

Waxay tani sharraxaad ka bixineysaa sida huruudda ay u yaren karto dhibaatada ka dhalan karta cudurrada halista ah sida sonkorowga.

Wajiga saddexaad ee baadhitaanka waxaa lagu sameeyay unugyada dhiiga cad ee jidhka. Natiijooyinka ayaa loo baahnaa baadhitaanka hidda-socodka DNA-da, laakiin baadhitaanka wuxuu fikrad naga siiyay xaaladda difaaca jidhka iyo dadkii ku lugta lahaa daraasadda lagu sameynayay huruudda.

Daraasadda kale waxaa sameysay jaamacadda University College London, waxaana lagu ogaaday waxyaabaha ku jira huruudda ee ka hortagga Kansarka. Ma jirin farqi dhanka hidde-side ah oo u dhexeeyay DNA-yada kuwa qaatay budada huruudda ah iyo kuwa isticmaalay borotiinka huruudda. Laakin kuwa cuntada ku darsaday huruudda waxay ku kala duwanaayeen qaab dhismeedka DNA-da.

Natiijada

Waa xilli hore in la yidhaahdo huruuda waxay leedahay saameyn la taaban karo laakiin huruudda ayaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay samaynta unugyo la mid ah unugyada laga soo qaatay shaqada hidda-sidaha.

Laakiin huruudda waxay xoojin kartaa caafimaadka waa haddii lagu daro cuntooyin ay ku jiraan basbaaska iyo saliid seytuunka.

Cilmi baadhis ayaa sidoo kale muujisay in cunista xaddi yar oo huruud ah ay saameyn wanaagsan ku yeelan karto jidhkeena. Cilmi-baadhistan ayaa ah mid bilow ah. Laakin waxa la odhan karaa huruudda waxay kaa ilaalin kartaa cuduro badan oo daba dheeraada. Markaa isticmaalka huruudda waxay xoojin kartaa caafimaadka qofka.

 

 

 

Leave a Reply