Doqomada Naftooda Dhibaya!

0
220

Qofka nacaska ahi wuxu burburin karaa awoodda siyaasadeed iyo kan hayd’adaha kobciya danaha bulshada.

Qofka dhaqanka nacasnimada lihi weli muu fahmin inuu halis uu ku  yahay dadka oo dhan. Isagoo xoogiisa iyo xeeladihiiisa ay noqonayaan awoodda nacasnimada ee aan dareenka horumar ee bulshadiis lahayn.

Qoraaga buugga  “The basic laws of human stupidity”, Mr. Carlo M. Cipolla, ayaa ku qoray buuggiisa “xeerarka aasaasiga ah ee lagu garto nacasyada isagoo tilmaamay in dadka doqomada ah ay u sameysan yihiin in  ay dadka kale baabi’iyaan iyaguna burburaan.  Waxaana qoraagu soo bandhigay astaamo lagu garto nacasyada.

Qoraagu waxa uu tilmaamay in astaanta dhabta ah ee doqonka lagu gartaa ay tahay in awoodda uu leeyahay ay khasaare usoo jiido naftiisa iyo bulshada kale. Qofka doqonka ah waa qof aan meel dheer ka fakarin, oo aan eegin gebgebada arinka uu ku kacayo iyo wax uu sababayo. Waxa kale oo uu lumiyaa arrin kasta oo wanaagsan.

Calaamadaha muhiimka ah ee doqonka waxa ka mid ah inuu dadka oo dhan aad  u yaraysto oo weliba xaqiro dadaalka ay bixinayaan. Sidoo kale badanaa dadka caqliga badan wuu xaqiraa.”, waana awoodda wax baab’inta ee gacanta doqomada ku jirta”.

Awoodda nacasku waxa ay ku salaysan tahay faham la’aan dhamaystiran ee dabeecadda  dhabta ee nacasnimada Dhibta u weyn waxa uu geystaa doqonku marka dadka caqliga leh  ee aan naasyada ahayn si fiican ula socon waayaan awoodda nacasku wax ku burburin karo .

Nacaskuna waa kan ugu halista badan.  (Buugga: The basic laws of human stupidity)

Leave a Reply