Xikmadaha Maanta

0
397
  • Haddii aad sax tahay uma baahnid inaad aad xanaaqdo, haddii aad khaldan tahayna xaqba uma lihid inaad xanaaqdo.
  • Dulqaadka aad naftaada u muujisa waa kalsooni, kana aad qoyskaaga u muujisaa waa kalgacal, nooca dulqaad ee aad bulshada kale u muujisaana waa qadarin iyo xushmad.
  • Weliga haka fekrin dhibaato aad soo dhaaftay, waxay kugu abuurta dareen xun, wax soo socdana ha ka fekrin waxay kugu abuuri kartaa cabsi mustaqablka ah. Wakhtiga aad joogto ka faa’iidayso.
  • Dhibaato kasta oo aad soo marta waxay ka dhigta qof jabay ama qof sii jiri kara oo xaliya dhibta. Hadafkaaga iyo dadaalkaaga ayaa ka dhigaya guulasyte ama fashilme.
  • Ha raadin qof weji qurux badan, laakiin raadi qof qalbi wanaagsan, maxa yeelay waxa kasta oo qurux badani ma wanaagsana, laakiin wax kasta oo wanaagsani way qurux badan yihiin.

Leave a Reply