Tabobar loo soo Xidhay Masuuliyiin ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda

0
252

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Mr. Cumar Iid Qaloombi iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Xuseen (Mu’adinka) ayaa tababar u soo xidhay agaasime-waaxeexyada iyo ku-xigeenada Wasaarada Maaliyadda.

Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda oo muddo lix maalmood tababar ku qaadanayey xarunta Shaqaalaha Dawladda kor loogu qaadayo aqoontooda, ayaa xidhitaankii waxa hadal ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Xuseen oo kula dardaarmay masuuliyiinta tababarka qaatay inay aqoonta u gudiyaan hawlwadeenada xafiisyadooda.

Agaasimaha Tababarada Machadka Shaqaalaha Dawladda Marwo Amaal Saleebaan Hagoog oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ujeedooyinka loo aasaasay machadka shaqaalaha tahay kordhinta xirfada shaqaalaha dawlada, si isbedel la taaban karo qaranku u gaadho.

Agaasimaha fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Mr. Cumar Iid Qaloombi oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in machadka shaqaalaha Dawladu u taagan yahay dhiska cudduda shaqaalaha dawladda, hadday tahay tababaro ka wada dhaxeyn kara ama tababaro khaas ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo hadal ka jeediyey ayaa amaanay waxqabadkii uu ku arkay masuuliyiinta Maaliyadda mudadii uu joogay.

Waxaanu shahaadooyin ku gudoonsiiyey masuuliyiintii tababarka ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Maaliyaddu.

 

 

 

Leave a Reply