Ciidanka Qaranku Taako Dalkayaga ah kama Soo Baxayo’Dadkii Laascaanood lahaana Talo Gacanta uguma Jirto.”Guddoomiyaha UCID

0
1025

Guddoomiyaha UCID oo caddeeyay siday u garab taagan yihiin ciidanka qaranka kuna baaqay in Laascaanoood laga xoreeyo cadawga kusoo duulay

 

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID  Eng  Faysal Cali Waraabe,ayaa caddeeyay ka xisbi ahaan siday u garab taagan yihiin ciidanka qaranka Somaliland ee magaalada Laascaanood kula dagaalamaya huwanta dalka kusoo duushay.

Waxaanu intaa raaciyay in ciidanka qaranku aanay marnaba ka soo baxayn taako ka mid ah dhulka Somaliland loona baahan yahay in xalka Laascaanood  in uu u yaallo Somaliland oo ay ka wada hadasho loona baahan yahay in garaadada Soo lee Laascaanood ku sugan in ay ka saaraan magaalada cadawga reer Laascaanood ku soo duulay.

 

Waxaa kale oo uu iftiimiyay sida ay Somaliland ugu dedaashay in arrinta nabad lagusoo dhammeeyo isla markaana madaxdhaqameedka Somaliland ay muddo badan u joogeen magaalada Caynaba oo ay waayeen  cid ay arrinta nabad gelyada kala hadlaan.\

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay Garaadaddu u diideen dhex dhexaadin ay Itoobiya isku hawshay oo la doonayay in arrinka Laascaanood labad lagu soo dhammeeyo.

Waxaanu xusay in aanay talo gacanta ugu jirin dadkii reer Laascaanood bale magaalada cadaw kale qabsaday oo huwan ah iyo kooxo isu bahaystay duulaanka ay kusoo qaadeen Somaliland,kuwaas oo ay ka mid yihiin kooxo argagixiso iyo huwan kale oo ka soo duulay Soomaaliya.

Waxaanu caddeeyay in Xisbiga UCID in uu garab taagan yahay ciidanka qaranka ee naftood hureyaasha ah ee dalkooda difaacaya.

Faysal Cali Waraabe oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Salaadiinta Somaliland  muddo ayay fadhiyeen Caynaba waxaanay isku dayeen in ay Garaadada la hadlaan,waxba kamay suura gelin Itoobiya way  diideen qolada reer Laascaanood   in dhexdhexaadin ay samayso.  in laga  saaro weeye  Magaalada  Laascaanood dadka meelaha  kale yimi waa arrin  Somaliland u gaar ah, waxa aanu leenahay xumaanta ka joojiya.waxaana loo baahanyahay inta   nool in loo taliyo,waxaana laga yaabaa in dadkii u dhashay  Laascaanood  taladoodu  gacanta uguma jirto jin iyo  jaanba way ka soo buuxsameen,Garaaddadu waa in ay ogolaadaan xabad  joojinta,taako aanu leenahay ka bixi mayno oo Somaliland leedahay laga bixi maayo  Laascaanood ayaad sheegaysaan,maamul  la samaysan karaana ma jiro.waa in laga wada shaqeeyo sidii nabadda loo soo celin lahaa Laascaanood,anagu ka UCID ahaan waanu taageersanahay oo waanu  garabtaaganahay  Ciidanka qaranka,”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply