Xuska Maalinta Caalamiga ah Ee Kaymaha Adduunka: “Xidhiidhka Ka Dhexeeya Kaymaha iyo Caafimaadka”

0
259

 

Maalinta Caalamiga ah ee Kaymaha adduunka ayaa sanad kasta 21-ka bisha March, waxaa laga xusaa wadamo badan oo caalamka ah, si loo faafiyo wacyiga bulshadda ee ku saabsan muhiimada dhammaan ba noocyada kaymaha.

Waxaana xuskii sanadkan hal-ku-dheg loo qaatay taariikhda, iyo muhiimada maalinta. Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, ayaynu ku soo qaadan doonaa warbixin aanu ka diyaarinay maalinta caalamiga ee Kaymaha Adduunka.

Maalinta Caalamiga ah ee Kaymaha adduunka ee 21-ka March, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, kaymaha ayaa Hoy u ah 80% kala duwanaanshaha noolaha dhulka ee adduunka oo dhan, oo leh in ka badan 60,000 nooc oo geed ah. Ku dhawaad 1.6 Bilyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsan kaymaha cuntada, hooyga, tamarta, daawadda, iyo dakhliga.

21-ka March, waxaa loo asteeyay inay tahay maalinta Caalamiga ah ee Kaymaha ama maalinta Kaymaha Adduunka si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimada kaymaha, dhirta, iyo dhirta ee nolosheena. Waxaa muhiim ah in la fahmo qiimaha, muhiimada, iyo wax ku biirinta kaymaha si loo miisaamo meertadda nolosha ee dhulka.

Sida xaalufinta dhirta ayaa sidoo kale lagaga hadlaa xuska maalintani. Hawlaha kala duwan ee heer maxalli iyo heer caalami ee maalinta Caalamiga ah ee Kaymaha adduunka, waxaa xusa ama dalacsiiyaa Qaramada Midoobay, dawladod, ururadda bulshadda, iyo dadweynaha guud. Mawduuca sannad kasta waxaa doorta Iskaashatada caalamiga ah ee Kaymaha adduunka. Mawduuca xuska sanadkan 2023-ka waxaa kaloo loo qaatay “kaymaha iyo caafimaadka”. Kaymaha oo ah sambabada aduunka, waxay sifeeyaan wasakhyada waxayna nadiifiyaan biyaha oo nadiifiyaan hawada aynu neefsanayno.

Maalintani waxay ka dhigan tahay xasuusin doorka muhiimka ah ee kaymaha ay ka ciyaaraan nolol maalmeedkeena maadaama kuwani ay hoy u yihiin nooc kasta oo duur joogta ah oo ay quudiyaan bulshooyinka adduunka oo dhan. Maqaalkani waxa uu ka hadlayaa muhiimada ay kayuhu u leeyihiin nolosheena, maxay tahay maalinta caalamiga ah ee kaymaha, sababta loo xusayo 21-ka March, iyo mawduuca sanadkan.

Taariikhda: Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ayaa ku dhawaaqay 21-ka Maarso inay tahay maalinta caalamiga ah ee Kaymaha sanadka 2012 si loogu dabaaldego laguna wacyigaliyo muhiimada dhammaan noocyada kaymaha. Sida laga soo xigtay website-ka Qaramada Midoobay, “Maareynta joogtada ah ee kaynta iyo isticmaalkooda kheyraadka ayaa fure u ah la dagaallanka isbedelka cimilada, iyo ka qayb qaadashada barwaaqada iyo wanaagga jiilka hadda iyo kuwa soo socda.”

Muhiimadda: Marka loo eego qiyaasta Qaramada Midoobay, in ka badan 1.6 bilyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsan Kaymaha, Cuntadda, Daawooyinka, Hoyga, Tamarta, iyo Dakhliga, ama Dhaqaalaha iwm. Maalintani waxay ugu baaqaysaa muwaadiniinta, dawladaha, NGO-yada, iyo ururadda kale ee maxaliga ah, kuwa qaranka iyo kuwa caalamiga ah inay qabtaan hawlo. ku lug lahaanshaha Kaymaha iyo geedaha, sida ololaha beerista iyo ilaalinta bur-burka kaymaha.

Golaha Qaramada Midoobay ee Kaymaha iyo haayadda Cuntadda iyo Beeraha ee (FAO) ayaa qaban qaabiya ololeyaashan oo kale, iyagoo la kaashanaysa dawladaha. Iskaashiga Iskaashatadda ee Kaymaha, waxa kale oo uu abaabulaa ololayaal aduunka oo dhan ah.

Dulucdda: Mawduuca sannad kasta waxa doorta Iskaashatada caalamiga ah ee Kaymaha adduunka. Mawduuca maalinta Caalamiga ah ee Kaymaha adduunka ee sanadkan 2023-ka, waa “kaymaha iyo caafimaadka”. Mawduuca sanadkan ayaa muujinaya xidhiidhka ka dhexeeya kaymaha iyo caafimaadka.

Geesta kale Mawduuca sanadkan ayaa muujinaya xidhiidhka ka dhexeeya kaymaha iyo caafimaadka. Sida laga soo xigtay website-ka Qaramada Midoobay, kaymaha ayaa wax badan ka tarra caafimaadka qofka. Sida nadiifinta Biyaha, nadiifinta Hawadda, qabashada Kaarboonka (Carbon), iyo la dagaallanka isbedelka cimiladda, bixinta cunto iyo Daawooyin nafta lagu bad-baadiyo, iyo hagaajinta fayo-qabka. Sannadkan wuxuu ku baaqayaa in wax la bixiyo, ma aha oo kaliya qaadashada, sababtoo ah kaymaha caafimaadka qaba waxay keeni doonaan dad caafimaad qaba.

Dhinaca kale marka aynu u nimaadno dalalka Geeska Afrika heerka uu ka marayo jarista Kaymaha iyo dhibaatadda lagu hayo dhirta, waxaa jirta dhibaato aad u weyn oo lagu noocyadda kala duwan ee dhirta oo Dhuxul lag shido, ama siyaabo kale oo khalad ah loo jarro.

Og tahay akhriste in 30-kii ilbidhiqsi ee kasta bah al geed la gooyo guud ahaanba dhulka Soomaaliya si dhuxul looga sameeyo, waxaana muuqata in guud ahaan deegaanada Soomaaliya kuwo nabaad-guur iyo Xaaluf deegaan uu haysto. Taasoo ku keenaysa dhulkeenna inay dadka Soomaalidu u nug ladaan abaarraha iyo in ay dadku dalka ka haajiraan ama la waayaba duur-joogteena, maadaama oo xaaluf aad u daran lagu hayo dhirtii kala duwanayd ee dhulkeenna ka bixi jirtay.

Si wax looga qabto dhibaatooyinka darran ee  lagu hayo jarista dhirteena waxaa muhiim ah in aan midayno dedaalkeenna ku aaddan soo celinta nidaamka deegaanka iyo kaymaha, iyadoo la samaynayo dhirayn iyo bad-baado deegaan, taasina waxay muhiim u tahay la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo bed-qabka Deegaankeenna.

Sidoo kale waxaa la inooga baahan yahay in la joojiyo xaalufinta dhirta iyo Ka ganacsiga dhuxusha, isla markaana waa in la sameeyo Olole dhir beeris ah iyo dib u soo celinta dhul-kaymeedyadda, talaabadaasi oo xal u noqon karta in wax laga qabto xxaalufinta dhirta. Iyadoo ay taasi jirto ayaa 21-ka bisha March, waxaa wadamo badan oo caalamka ah waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Kaymaha adduunka, xuskaasi oo u jeedadiisu tahay in la isku baraarujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhirta iyo dhul-kaymeedyadda.

 

Leave a Reply