Dalka Itoobiya oo Walaac ka Muujiyey Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee Laascaanood Tallaabada ay Qaadayso

0
324

Bahar Dar-(Dawan):- Dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay walaac weyn ka muujisay joogitaanka magaalada Laascaanood kooxaha argagxisada ah ee Al Shabaab, isla markaana ballanqaaday inay difaaci doonaan gobolka xuduudaha ku yaal.

Qoraal lagu baahiyey mareegta Amhara News Service shalay ayaa lagu sheegay

“Itoobiya waxay walaac ka muujiyay wararka walaaca la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada iyo ku lug lahaanshaha Al-Shabaab ee dagaalka  Laascaanood.

Qoraalka Twitter-ka ayaa la raaciyey, “Itoobiya ayaa ballan qaaday in la ilaalin doono gobolada xuduudka ah.”

Hadalka walaaca Itoobiya ee shabakada Amhara News Service baahisay ayaa  imanaya xilli dhamaadkii bishii January Madaxweynaha  Jamhuuroyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi  uu shacabka iyo caalamka u sheegay in rabshadaha Laascaanood inay ka dambeeyaan kooxaha argagxisada Shabaab.

 

 

Leave a Reply