Galahad Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ansixisay Qaraarka Caddaaladda Cimiladda Adduunka

0
256

Toddobaadkan ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaaday tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca wax ka qabashadda isbedelka caalamiga ah ee cimilada, iyadoo xubnuhu ay aqbaleen qaraar ku baaqaya in maxkamadda sare ee adduunka ICJ ay qeexdo waajibaadka sharci ee dawladaha ee la xidhiidha la dagaallanka kulaylka caalamiga ah.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa warbixin uu arrintaasi ka diyaariyay wargeyska The Guardian, oo ka soo baxa dalka Ingiriiska, warbixintaasi oo ku qornayd luuqadda English, balse aanu u soo turjunay Af-Soomaali.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraarka ay hormuudka ka tahay dawladda Vanuatu, oo ah waddan yar oo ku yaalla jasiiradda Baasifigga, una nugul saamaynta cimilada ba’an, iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada si ay ra’yi sharci uga helaan maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) si loo caddeeyo waajibaadka ka saaran wax ka qabashada isbedelka cimilada. Qalalaasaha ka dhashay oo qeexaya cawaaqib kasta oo ay tahay in dalalku la kulmaan wax-qabad la’aan.

Warbixintan waxaa dabadda ka riixayay muddo sanado ah dalka Vanuatu, oo jasiirad yar oo mustaqbalkeeda uu halis ku yahay kor u kaca heerarka kulaylka Badda, iyo dhalinyarada jasiiradaha Baasifigga. Qaraarku wuxuu waydiisanayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) inay dejiso waajibaadka quruumaha ee ilaalinta cimilada dhulka iyo cawaaqibka sharciga ah. Haddii ay ku guul-darraystaan dawladuhu inay sidaas sameeyaan.

Qaraarkani u jeedadiisu waa inuu fududeeyaa in si sharci ah loogu la xisaabtamo dalalka wasakheeysa hawadda ee ku guul daraystay inay wax ka qabtaan xaaladda deg-degga ah ee cimilada, iyadoo codayntu ay farxad ku dheehan tahay oo lagu ammaanay guul u soo hoyatay caddaaladda cimilada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, oo arrintaasi ka hadlay waxa uu yidhi, “Wada jir, waxaad samaynaysaan taariikh”. Isagoo na ku nuux-nuuxsaday in xitaa haddii aan la isku hallayn karin, ra’yiga ICJ in ay ka caawin doonto Golaha Guud, ee Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah inay qaadaan tallaabo cimilo-doodeed oo xooggan oo adduunkeennu uu aad ugu baahan yahay.

Raysal wasaaraha wadanka Vanuatu, oo isna arrintaasi ka hadlay ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid taariikhiya, isla markaana bilaw cusub u yahay iskaashiga cimilada ee dhinacyada badan leh.

“Maanta (maalintii qarraarka la ansixiyay), waxaan markhaati ka nahay guul uu gaadhay cadaalada cimilada oo heer sare ah. Go’aanka taariikhiga ah ee maanta waa bilawga cusub ee iskaashiga cimilada ee dhinacyada badan leh, kaas oo si buuxda diiradda u saaraya ilaalinta xukunka sharciga caalamiga ah iyo xilli dhigaya xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta jiilaalka ee safka hore ee go’aaminta cimilada” ayuu yidhi Ishmael Kalsakau, oo ah ra’iisal wasaaraha wadanka Vanuatu.

Sidoo kale Cynthia Houniuhi, oo ah madaxweynaha ardayda Jasiiradda Baasifiga, ee la dagaallanka isbedelka cimilada (PISFCC), oo isna ansixinta qaraarkan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qaraarkani, waxaanu sheegay in inta ugu yar ay ku darsadaan Qiiqa caalamiga ah ee ku qaraqmaya dhulkeena.

Waxaanay tidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay in dunidu ay dhageysatay dhalinyarada Baasifigga. Ma jirto danbi aan iska leenahay, waxaan la noolnahay duufaanno kuleylo ah oo waxyeeleeyay, daadad, khasaare kala duwanaansho ah iyo sare u kaca heerka badda. Waxa aan ku darsanay intii ugu yarayd ee aanu ku darsanay qiiqa caalamiga ah ee ku qaraqmaya dhulkeena. Dhallinyaro ahaan, dunidu ku guul daraysatay inay joojiso Qiiqa dilaaga meeraha, ma aha dhibaato aragtiyeed. Waa innaga iyo mustaqbalkayagii waxa la iibinayaa”.

Qaraarkan oo ay iska kaashadeen in ka badan 120 waddan oo ay ku jirto dalka UK, balse aanu ku jirin Maraykanka, waxa uu gacan ka gaysan doonaa in la sameeyo tijaabo sharci ah oo ah noocyada dhaq-dhaqaaqa caddaaladda cimilada ee caalamiga ah, ee la doonayo in dalalka lagula xisaabtamo fashilka cimilada ee maxkamadaha. Inkasta oo rayiga ka soo baxa maxkamadda ugu sarraysa adduunku aanu noqon doonin mid ku xidhan maxkamadaha gudaha, samaynta xeerar caalami ah ayaa saamayn ku yeelan kara gar-sooreyaasha iyo dawladaha.

Waxa kale oo ay ka dhigan tahay isku daygii ugu horreeyay ee lagu dhisayo waajibaadyada wax-qabadka cimiladda ee sharciga caalamiga ah, kaasoo u doodaya rejada ayaa xoojin doona dacwadaha cimiladda, iyadoo la caawinayo dawladaha nugul iyo u doodeyaasha inay la xisaabtamaan wadamada falkooda iyo wax-qabad la’aantooda. Qaraarkan ayaa ka soo baxay niyad jabka isa soo taraya ee ka dhashay is-maan-dhaafka u dhexeeya hal-ku-dhegyada bulshadda caalamka iyo ficilka ku aaddan isbeddelka cimilada, iyada oo ay sii kordhayso khasaaraha soo gaadhay waddamada ay ka mid tahay Vanuatu, kuwaas oo waajahaya khatar jirta oo ay ugu wacan tahay heerka Badda.

Niyad-jabka ayaa keenay dhaq-dhaqaaq bulsho oo ay hogaaminayaan ardayda sharciga bartay ee u dhashay wadanka Vanuatu, waxay isku rogeen dhaq-dhaqaaqeyaal dhalinyaro, waxaana shaqada xallinta hogaaminayay qareennada asaliga ah ee Pacific. Nuxur ahaan, la-talinta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ waxay gacan ka gaysan doontaa in la caddeeyo haddii ay jirto waajibaad sharci ah oo dalalku ay ku samaynayaan waxa ay ka go’an tahay heshiisyada aan xidhnayn. Sida heshiiskii cimilada ee Paris 2015, iyo haddii ay guuldareysiga in sidaas la sameeyo waxaa loo lan la geli karaa iyada oo loo marayo dacwad.

Harjeet Singh, oo ah madaxa istaraatiijiyadda siyaasadeed ee caalamiga ah ee Cimilada (Action Network International), ayaa yidhi “Go’aanka Qaramadda Midoobay ee ah in arrinta isbeddelka cimilada loo qaado maxkamadda ugu sarraysa adduunka, waa wakhti taariikhi ah oo ku aaddan dagaalka loogu jiro caddaaladda cimiladda, xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta jiilalka. Fikirka la-talintu waa inuu u addeegaa sidii qalab isla xisaabtan oo muhiim ah oo ku waajahan waajibaadka dawladaha ee ilaalinta deegaanka, iyo saamaynta mustaqbalka ee jiilalka cimilada”.

Geesta kale Nikki Reisch, oo ka tirsan Xarunta Sharciga Caalamiga ah ee Deegaanka ayaa tallaabadani ku tilmaantay mid wax weyn ka taraysa in fikradda la-talintu ay gacan ka gaysan karto kicinta, iyo isla xisaabtanka weyn ee dhibaatada isa soo taraysa ee ay sababtay guul-darrooyinka dawladaha caalamka ee wax ka qabshadda isbedelka cimiladda.

“Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay tarjumi kartaa caddaynta cilmiyeed ee cad ee ah in shidaalka fosilku uu u horseedayo xiisadda isbedelka cimilada, ujeedooyin sharci oo cad si meesha looga saaro hadda oo loo fuliyo xalal la xaqiijiyay. Fikradda la-talintu waxay gacan ka gaysan kartaa kicinta isla xisaabtanka weyn ee dhibaatada isa soo taraysa ee ay sababtay guul-darrooyinka dawlad-goboleedka” ayay tidhi Nikki Reisch, oo ka tirsan Xarunta Sharciga Caalamiga ah ee Deegaanka.

Dhinaca kale waxay ku soo beegantay toddobaad uun kadib warbixintii ugu danbaysay ee ay soo saartay maxkamadda IPCC, taasoo hoosta ka xariiqday baahida deg-degga ah ee loo qabo in meesha laga saaro shidaalka foosils-ka (Fossils), si loo yareeyo kulaylka caalamiga ah looga na fogaado qalalaasaha isbedelka cimilada. U gudubka kuwa dib loo cusboonaysiin karo iyo tignoolajiyada cagaarka ah kuma fi lna, saynisyahano ka digay, mashaariicda shidaalka fosil-ka waa in meesha laga saaraa, ee aan la balaadhin.

Dalka Vanuatu, oo ah jasiirad 500 Mayl Galbeed ka xigta Fiji, oo ay ku nool yihiin 325,000 oo qof, ayaa  bishii hore ay ku dhufteen laba duufaan oo nooca heerkoodu ahaa 4, 72 saacadood gudahooda. Waxay sababeen bur-bur baahsan oo kaabeyaashii dhaqaalaha ah, daad-guraynta iyo biyo la’aan iyo Koronto la’aan dadka deegaanka ka dhigay dhawr maalmood.

Waddamada jasiiradaha ah iyo dalalka soo koraya sida Vanuatu, Jasiiradaha Solomon, ee Madagascar iyo Sri Lanka, ayaa ugu yaraan gacan ka gaystay Qiiqa Gaaska, aqalka dhirta lagu koriyo ee caalamiga ah (global greenhouse-gas emissions). Laakiin, waxa ay wataan culayska ugu badan ee dhacdooyinka cimilo-xumada iyo cimilada darran sida duufaannada, Daadadka, abaarta, iyo kulaylka iyo fatahaadaha. Taasoo kor u qaadaysa haqab-beelka biyaha iyo cuntada, iyo kicinta tahriibka khasabka ah.

Qaraarkan taariikhiga ah ayaa la ansixiyay iyadoo dalalku ay laba bilood ka hor ku kulmeen wadanka Masar, markii ugu horaysay si ay uga wada hadlaan abuurista xarun dhaqaale oo khasaaro iyo dhaawac leh si loogu magdhabo saamaynta aan laga soo kaban karin ee dhacdooyinka cimilada ba’an iyo kor u kaca heerka kulaylka Badda, oo aad u daahay in laga fogaado la qabsiga cimilada iyo yaraynta.

Leave a Reply