Xildhibaan iyo Ciidan Puntland ah oo lagu Qabtay dagaalkii Huwanto soo Qaaday

0
226

Laascaanood(Dawan):- Ciidanka qaranka Somaliland,ayaa gacanta ku soo dhigay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo aqayb ka ahaa  ciidanka huwanta ah ee dagaalka kusoo qaaday  Somaliland.

 

Waxaa kale oo ciidanka qaranku gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ka mid ahaa kooxaha huwanta ah eek u soo duulay Somalland Maxaabiista la qabtay waaxaa ka mid ah   Ciidamada Puntland ee Maraykanku tababaray ee lagu qabtay dagaal kooxaha huwantu ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan, isla markaana si wanaagsan Ciidanka Qaranku ula dhaqmeen.

Telefishanka Qaranka oo xaaladooda wax ka weydiiyey maxaabiista ayaa Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo Baarlamaanka Puntland ka tirsan, isla markaana qeyb ka ahaa maxaabiistii dagaalka lagu qabtay oo xaaladiisa ka waramay ayaa yidhi,

“Dagaalka ayaan ku jiray, imikana waxaan ahay maxbuus la hayo, wax dhibaato ah oo imika isoo gaadhay ma jirto. Ciidankii I qabtay dhibaato iima geysan.

Maxbuus kale oo magaciisu yahay Cabdiqaadir Cali ayaa shheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Puntland ee PSF. Sidoo kale Axmed Jaamac Adan oo maxbuus ah ayaa sheegay inuu hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin la khalday, isla markaana uu si qalad ah uga tegay Ciidanka Qaranka.

“imika markii Ciidanka Qaranku I soo qabtay wax dhibaato ah la iima soo gaadhsiin.”

Maxbuus kale oo magaciisu yahay Axmed Maxamed Jaamac ayaa sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Puntland (PSF), waxaanu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay markii la qabtay

“Annigoo dhaawac ah ayaa la I qabtay, waa la isoo qaaday, si wanaagsan ayaa la iila dhaqmay.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply