Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Kormeeray Dhaam-biyoodyo Xukuumadu ka waddo Boorama

0
161

 

“Xukuumad ahaan waxaanu awoodda saarnay sidii biyaha roobka loo qaban lahaa si looga boxo biyo la’aanta innagu soo noq-noqotay…” Cabdraxmaan Saylicii

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay soo kormeeray mashaariic horumarineed oo kala duwan oo ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay gobolka Awdal.

Mashaariicdaas waxaa ka mid ahaa saddex biyo-xidheen oo ay xukuumaddu ka waddo deegaamadda Isha-cobosha, Dhamuug 1, iyo Dhamuug 2. Mashruucaas waxaa loogu talo galay in biyaha roobka lagu qabto.

Si biyaha Ceelasha biyaha  kor ay ugu soo qaadaan oo ay u soo nooleeyaan.waxaana mashaariicdaasi laga maal-geliyay miisaaniyadda wasaaradda Biyaha Somaliland.

Waxaana saddexdan dhaam-biyood lagu maal-geliyay lacag ilaa 3000,000 kun oo dollar ah, taasoo wasiirka wasaaradda biyuhu uu ugu daray miisaaniyadda wasaaradda biyo-xidheenadda Boorama, sida ay sheegeen Injiineeradda gacanta ku haya mashaariicdaasi.

Kormeerkaasi waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay masuuliyiinta shirkadda biyaha Boorama ee Shaaba, xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo kormeerkaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan awoodda saareen sidii biyaha roobka loo qaban lahaa, isla markaana looga bixi lahaa cidhiidhiga biyaha, iyo biyo la’aanta inagu soo noq-noqotay.

Waxaanu tilmaamay Cabdiraxmaan Saylici, wasaaradda biyuhu na ay samaysay in goboladda dalkoo dhan si siman loo wada maal-geliyo, lacag isku mid ahna lagu maal-geliyo. Waxaanu yidhi, “Xukuumad ahaan waxaanu awoodda saarnay sidii biyaha roobka loo qaban lahaa, isla markaana looga bixi lahaa cidhiidhiga biyaha, iyo biyo la’aanta inagu soo noq-noqota. Waana in biyaha wakhtiga kooban ee aynu helayno la qabto, ayay xukuumadu go’aansatay.

Wasaaradda biyuhu na waxay samaysay in goboladda dalkoo dhan si siman loo wada maal-geliyo, oo lacag isku mid ah lagu maal-geliyo. Biyaha ceelashu waxay kaga faa’iido badan yihiin in la qabto biyaha roobka, ceelashii. Si ceelashii hore ee ay biyuhu hoos uga dhaadhaceen, ee ay ka guureen, si ay dib ugu soo noqdaan”.

Geesta kale Injiineeradda gacanta ku haya saddexdaasi mashruuc  oo madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siinayay biyo-xidheenadaasi ayaa sheegay in wax tar weyn ay keenayaan Dhaamamkani, isla markaana ay rejaynayaan in ay wax weyn ku soo kordhin doonto.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta shirkadda biyaha Boorama ee Shaaba, oo iyagu mashraaciidani ka faa’iidaysanaya ayaa si weyn ugu mahad celiyay xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay sheegeen in ay tahay xukuumadii wax-qabadka, gaar ahaana dhinaca horumarinta biyaha, maadaama oo ay iyadu maal-gelinayso mashaariicdan biyo-xidheenadda.

 

 

 

Leave a Reply