Netanyahu oo hakiyey xil ka qaadista wasiirkiisa gaashaandhigga

0
242

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dib u dhigi doona xil ka qaadista taliyihiisa difaaca, kaas oo lagu dhawaaqay toddobaad ka hor ka dib markii wasiirku ku baaqay in la joojiyo dib u habeynta caddaaladda ee dawladda, ilo ku dhow ayaa sheegay.

Netanyahu ayaa ku dhawaaqay 26-kii bishii March inuu shaqada ka eryay Yoav Gallant, ka dib baaqii dadweynaha ee Gallant ee ahaa in la hakiyo qorshaha muranka dhaliyay ee garsoorka, kaas oo furay kala qaybsanaan bulsho oo uu sheegay in ay saameynayso militariga khatarna ku ah amniga Israel.

Qorshahan oo ah mid awood u siinaya dowladda in ay xakamayso awooda magacaabista garsoorka iyo in baarlamaanka isla markaana ogolaanaya awood lagu baabi’inayo go’aanno badan oo ka soo baxay maxkamadda sare, ayaa dhaliyay bannaanbaxyo aan horay loo arag oo guud ahaan dalka ka dhacay, kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin kaydka milateriga oo sheegay inay dhici karto inay diidaan in loo yeedho.

Iyada lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo sanadkan ay ku beegantay ciida Yuhuuda ee loo yaqaan Passover taas oo ku magacaabaan wakhtigii ay Yuhuudu Adoonsiga ka baxday, isaga oo ka baqaya xiisad ka dhalata ayuu Netanyahu waxa uu go’aansaday in uu joojiyo badalka taliyihii hore ee ciidamada badda ilaa wakhti aan la cayimin.

“Xaaladda amni ee jirta awgeed, arrinta ku saabsan xil ka qaadista wasiirka gaashaandhigga wakhti dambe ayaa la ogaan doonaa” sidaas waxaa yidhi qof ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Warka ku saabsan cayrinta degdega ah ee Gallant, iyada oo lagu guda jiro xiisad aan caadi ahayn oo ka jirta Daanta Galbeed ee la haysto iyo welwelka sii socda ee ku aaddan hamiga Nukliyeerka Iran, ayaa kiciyay mudaaharaadyo ballaadhan oo degdeg ah, iyada oo tobanaan kun ay ku qulqulayeen waddooyinka ka dib markii lagu dhawaaqay.

Markii ay mudaaharaadyadu sii socdeen iyada oo ay sii kordhayaan qaylo-dhaanta caalamiga ah, Netanyahu wuu ka tanaasulay oo hakiyay isbeddellada lagu muransan yahay si loogu oggolaado wadahadallo tanaasul ah oo lala yeesho xisbiyada mucaaradka.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegay in ay jireen dadaalo maalmihii la soo dhaafay lagu soo afjarayay khilaafka u dhexeeya Netanyahu iyo Gallant, kuwaas oo rasaastoodu ay qeylo dhaan ka dhex dhalisay xisbiga talada haya ee Likud, ciidamada qalabka sida iyo xulafada reer galbeedka ee Israa’iil.

Gallant iyo Netanyahu ayaa si wada jir ah u soo muuqday fiidnimadii Isniinta xilli ay booqdeen saldhig milatari oo ay ku tukanayeen ciidamada ciidaha Iidda Kormaridda

Leave a Reply