Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo Shahaado Sharaf ku Maamuusay Guddida Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa

0
190

Haarriye,ayaa shahaado sharaf ku maamuusay gudida fulinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge,  hoggaaminayay guddida fulinta ee dawladda hoose.

Maamuusidda shahaadada kadib, Duqa Caasimadda Hargaysa ayaa kalmado dhiirigalin ah u jeediyay saraakiisha kala duwan ee Ciidanka ilaalilada xeebaha Somaliland, waxaa uu uga mahadnaqay shahaado sharaftan ay   ku guddoonsiiyeen shaqadii waajibka ku ahayd Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay qabteen.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha ayaa dawladda hoose ee Hargeysa uga mahadnaqay, waxqabadka ay u qabteen ciidanka sida waddada laamida ah ee hor marta xarunta iyo Biyo mareenka weyn ee ay ka sameeyeen afaafkka hore ee xarunta ciidanka ilaalada xeebaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhib badan la kulmi jireen xili roobaadka jidkan iyo biyo mareenkan ay hirgelintiisa ku guulaysatay dawladda hoose, isla markaana mararka qaar dayrka xarunta ku wareegsan uu halis u galijiray in uu soo dumo, iyadoo ay ku soo durki jireen daadka maraya afaafka hore ee xarunta.

Gaba’gabadii duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ciidanka ilaalada xeebaha u balanqaaday in uu gacanwayn ka siin doono sidii uu wax ugala qabanlahaa kor u qaadista bilicda xarunta, haday noqoto dhanka nadaafadda iyo dhanka cagaaraynta.

 

Leave a Reply