Hooyo Ilmaheedii xannuunka Mara-jaajisku ku dhacay oo Bulshada ka codsatay in la Kaalmeeyo

0
97

Hargeysa (Dawan) Qofna caafimaadka lamu dhalan, qofkastaaba meel uunbu ka ciilan yahay, dhib iyo duruufo iyo arrimo kala duwan ayaa ku gadaamaan.

Hooyo Qamar Muuse Yuusuf, qoyskeedu waxa uu ka kooban yahay 4 qof, waa danyar haynteeda dhaqaale hooyso, oo degan degaanka Feedha oo hoos yimaada degmada Lafa-ciise, balse hadda waxa ay la joogta walaasheed oo degan xaafada Sheekh Cumar oo 9 km dhinaca koonfur Galbeed ka xigta magaalada Hargeysa.

Hooyadani waxa ay la daala dhacaysa Gabadhyar oo ay dhashay oo la yidhaahdo Nimco Maxamed Cabdi Aareeye, oo 5 sano jir ah,  madaxa ayaa weynaaday dhakhaatiirta guduhuna waxa ay u sheegeen in uu Mara-jaajis yahay,  isla markaana aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

Hooyo Qamar waxa ay sheegtay in ay wayday awood dhaqaale oo ay ku geyso goobaha caafimaadka ee dalka dibediisa, waxaaney bulshada ka codsatay in caafimaadka gabadheeda yar laga wada qayb qaato.

Waxaaney tidhi. “Inantan yar anaa dhalan oo 5 sano ayay sidaas tahay, dalka gudihiisana waxba kagama qabankareyno ayaa la yidhi, adduun dhaqaale oo aan dhakhtar dibedeed ku geeyana ma haysto, waa bishi Ramadaan, waa tobankii dhexe, in la icaawiyo ayaan bulshada Muslinka ah ka codsanaya, oo caafimaadka gabadhayar la’iga kaalmeeyo.

Shan sano ayay sariir uun saran tahay ana aan sidaas uun u haya, waxaan codsanaya in ILLAAHEY dartii la ii soo caawiyo, oo laga wada qayb qaato caafimaadkeeda, qofka maanta caafimaad haysta uunba garanaya ilmahaasi dhibta haysata, jal maqaadanayso, wax alaale wax ay cunaysa ma jiro, haddii wixii ay cunaysaba ugu daran oo waydiiday, dhakhaatiirtu waxa ay igu wargeliyeen in aanay hadda waxba kaqaban balse markii ay yareyd wax ay ka qaban karayeen”

Hooyadani waxa ay sheegtay in aanay hayn awood dhaqaale oo goobaha caafimaadka ku gayso gabadheeda yar si ay u ogaato xannuunka haya nooca uu yahay, balse kuwii ay gaysay ay ku wargeliyeen in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin walaal, waa bil Ramadaan, Sadaqaduna maqbuulaha tahay, Sadaqada ‘Kuwiina xannuunsanaya ku daweeya’, ayaa la yidhi, ciddii ALLE dartii wax ula baxaysa hooyadan iyo ilmaheeda haw gargarto gargaarka ALLAA haye.

Kala xidhiidha telefoonka gacanta ee 0634736862 walaal ka qayb qaado caafimaadka Nimca yar.

Leave a Reply