Xafiidul Qur’aankii Araga Naafada ka ahaa oo Ceerigaabo lagu soo Dhaweeyay.

0
201

Ceerigaabo (Dawan) Maamulka heer gobol  iyo heer degmo ee  gobolka Sanaag ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay  ardaygii kaalinta koowaad ka galay tartankii Quraanka Kariimka  ee Madaxweynaha JSL.

Sidoo kale waxa qayb ka ahaa soo dhaweynta ardaydgan, dhallinyarada, aqoonyahanka, waxgaradka, ehelka, asxaabta iyo ardaydii ay wax wada baran jireen.

Soo dhaweyn heer sarre ah oo aan loo kala hadhin ayaa loo sameeyay xaafidan Qur’aankan laba indhoodla.

Xaafidul Quraan Cabdirahman Jamac Saalax,  ayaan loo kala hadhin soo dhawayntiisa.
Maamuul waxgarad iyo bulshada Degmada Ceerigaabo.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Somaliland guddoonsiiyay gaadhiga uu maanta ku tagey magaala madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Somaliland tartanka Qu’aanka Kariimka ee madaxweynaha Somaliland maalgeliyay waa markii koowaad ee qof araga naafo ka ahi uu kaalinta koowaad galay, Alxamdulilaah, waa ILLAAHEY xigmadiisa iyo awoodiisa.

Leave a Reply