Zelenskyy oo booqday dalka deriska la ah ee Poland

0
173

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Arbacadii u safray dalka ay jaarka yihiin ee Poland si uu ula kulmo madaxda halkaas ku sugan iyo sidoo kale xubno ka tirsan shacabka iyo qaxootiga Ukraine ee ka qaxay ka dib markii Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine.

Saraakiisha Poland ayaa sheegay in wadahadalada uu la yeelan doono Madaxweyne Andrzej Duda iyo Ra’iisul Wasaaraha Mateusz Morawiecki ay ka wada hadli doonaan khilaafka iyo sidoo kale taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Poland waxay xulafo muhiim ah u ahayd Ukraine. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ay jiraan 1.5 milyan oo Qaxooti Ukrain ah kuwaas oo iska diiwaan galiyay xaalada magangalyo ku meel gaadhka ah ee Poland.

Poland waxay sidoo kale u adeegtay sidii xudunta ugu weyn ee la-hawlgalayaasha kale ee Ukraine si ay ugu soo diraan gargaarka milatari iyo kuwa bini’aadantinimo.

Volodymyr Zelenskyy iyo xaaskiisa ayaa si sharaf leh loogu soo dhaweeyay Poland Arbacadii waxaana booqashada macnaheeda lagau sheegay in ay tahay mahadnaqa qaranka deriskala  ah ee taageera difaaca Ukraine ee ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

 

 

Leave a Reply