Atoore 30 lafood ka jabay si uu u badbaadiyo wiil uu adeer yahay

0
188

Hargeysa (Dawan) Atoore ka tirsan taxanaha “Avengers”, oo la yidhaahdo Jeremy Renner, ayaa sheegay in shilkii uu galay xilligii barafka ee bishii Jannaayo uu ahaa mid uu isagu khaladka lahaa.

Renner waxa uu ka jabiyay in ka badan 30 lafood markii uu isku dayay in uu joojiyo gaadhiga si uu uga hortago inuu dul maro wiil uu adeer u yahay.

Shilka ayaa dhacay maalintii koobaad ee sannadkan 2023.

Wareysigii ugu horeeyay ee Renner oo buuxa tan iyo shilka ayaa laga sii daayay Khamiistii hore warbaahinta ABC.

Waxaanu yidhi.  “Waa inaadan ka bixin gaadhiga inta uu ordaya, ma ogtahay waxa aan ula jeedo? Waxa uu intaa ku daray.

Wuxuu ahaa shilka khalad dhankayga ka yimid, oo aan hadda midhihiisa guranaya.”

Renner, oo 52 jir ah, ayaa laba goor ku guuleystay abaalmarinta Oscar.

Leave a Reply