Maamulka Dugsiga Al-Nuur ee  Hargeysa oo codsaday in loodhiso xarun cusub.

0
120

Hargeysa (Dawan) – Maamulka dugsiga qur’aanka kariimka ee Al- Nuur ee magaalada Hargeysa oo ay wax ka bartaan ardayda qaba baahiyaha gaarka ayaa codsaday in loo dhiso xarun cusub oo ay wax ku bartan ardaydaasi

Dugsigan oo dhisan muddo badan ayaa waxaa soo wajahay baahi dhanka dhismaha maadaama xarunta ay hadda ku jiraan ay tahay mid kiro ah.

Maamulaha dugsiga Al-Nuur Axmed Xasan ayaa sheegay in dugsiga uu ka bilaabay gurigiisa dhexdiisa, isla markaana uu ku bilaabay shan arday, balse waxa uu xusay in dugsigii hadda guri kiro ah uu ku jiro arday tiro badanina ay ka qalinjabiyeen, waxa uu intaas raaciyay in ay tahay goob lagu barto xiftiga Qur’aanka Kariimka ah, sidoo kalena maadooyin ay ka mid yihiin Ingiriisiga iyo Soomaaliga ay ugu daraan.

Sidoo kale waxa uu xusay in ardayda ay waxbaraan intooda badan ay ka yimaadeen miyiga, balse hadda qofkasta markii wax la baray uu isticmaalo mobilkiisa gacanta, waxa uu intaas ku daray in Fu’ad Foundation u dugsiga Al-Nuur siiyay dhul, waxaanu xukuumadda Somaliland iyo duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed ka codsaday in la gacan qabto ubadka waxkabarta dugsiga ay wax-ka-bartaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaanu tilmaamay in ajar looga qorayo cidkasta oo wax ku darsata.

Leave a Reply